Soo Ifbaxa Qorrax iyo Xiddig Dhicitaankeedii

0
365

Qore Xuseen Cali Nuur 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku gudo jiraa booqasho rasmiya oo 10 maalmood ah oo dalka Maraykanka ah. Booqashadani waxay tahay mid saaxiib, sidiiq iyo sokeeye u riyaaqeen; nacab, cadow iyo danaystana ka naxeen.

Weftiga Madaxweyne Muuse Biixi booqashadiisu waxay socotaa xili xaaladda dunida ka jirtaa ay ka dhalan karaan isbeddelo siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo difaac.

Waxa kale oo booqashada Madaxweynaha JSL ee dalka Maraykanku socotaa:

Xilli istaraatijiyada JSL iyo marinka Baabul Mandab soo kordhayo.

Xilli madax sare oo Soomaaliya ka mid ahi Maraykanku ku soo rogay cunoqabatayn iyo xayiraad.

Xilli Farmaajo ku fashilmay shirqooladii uu maleegayey ee ku saabsanayd joojinta socdaalka Madaxweynaha ee Maraykanka, shirqooladaas oo ay Farmaajo iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibaddu ka wadeen geeska Afrika, dalka Maraykanka, gacan siinna ka doontay Amiirka Qatar oo ku diiday.

Xilli dalka Sucuudigu ka qaaday xayiraadii uu saaray xoolaha Soomaalida.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta The Heritage Foundation. Xaruntaasi oo mabaa’diida aasaasiga ah ee Maraykanka raad weyn ku leh.

Madaxweynaha xarunta The Heritage Foundation Dr. Keiven Roberts khudbadiisii furitaanka iyo soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku caddeeyey sababaha baahida weyn loo qabo in Maraykanku xidhiidh iskaashi oo heer sare ah la yeelato JSL. Waxana sababahaas ka mid ah:

JSL oo nabad ah, dalka Yeman oo dagaal ka socdo, Itoobiya oo aan deganayn, dimuqraadiyadda Suudaan oo la shirqoolay, madaxweynaheeduna uu booqasho ku tagay dalka Ruushka.

Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya JSL iyo dalka Taiwan.

Dr. Roberts khudbadiisii furitaanka wuxuu ku soo gabogabeeyey “JSL waa dal u qalma, mabaa’diida aasaasiga ah ee dalka Maraykanka, waxa loo baahan yahay kor u qaadista iyo wada shaqeynta labada dal, waana u Sharaf in Amerika noqoto dalka ugu horreeya ee Somaliland ictiraafa.”

Madaxweynaha JSL khudbadiisii uu xaruntaas ka jeediyey, wuxuu si ballaadhan oo qoto-dheer ugaga warramay taariikhda JSL. Wuxuuna soo jeediyey garnaqsi ku wajahan qaddiyaddeenna, xidhiidhka ay la leedahay dalal badan oo dunida ka mid ah. Waxaanu caddeeyey wadahadalka Soomaaliya in aanu ahayn mid midho dhal ah, balse wakhti lumis ah, JSL-na qaddiyaddeeda ay sii wadi doonto ilaa ay xaqiijiso.

Khudbada kadib, su’aalo badan oo la weydiiyey Madaxweynaha waxa ugu horreysay aragtida dagaalka dalka Ukraine uu ka qabo. Wuxuuna ugu jawaabay “Waan u damqanaynaa silica iyo saxariirka haysta shacbiga Ukraine, kuwaasi oo aanu hore u soo marnay. Hase ahaatee siyaasad ahaan JSL iyo Ukraine way kala duwan yihiin. Annagu waxaanu ka xorownay gumaysi, 60 sano ka horna 26 dal ayaa na aqoonsaday, halka Ukraine dhawr iyo labaatan sannadood ka hor, midowgii Soofiyeeti markii uu burburay ay ka go’day dalka Ruushka.”

Arrinta ugu muhiimsan oo uu ku faani karo, mar wax laga weydiiyey wuxuu ugu jawaabay “Waa shacbiga Somaliland oo ka bilaabay dal la wada burburiyey, biyo, hoy, maamul iyo xafiisyo aan lahayn. Maantana gaadhsiiyey inuu noqdo dal albaabada u furay iriddii lagu horumarin lahaa dhaqaalaha gobolka.”

Muddadii uu joogay dalka Maraykanka wuxuu la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ay ka wada hadleen wax wada qabsashada iyo iskaashiga labada dal.

Waxa kaloo uu la kulmay waaxda difaaca ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga oo ay isla qaadaa dhigeen arrimo ku lug leh difaaca iyo amniga labada dal.

Kulanada Madaxweynaha waxa ka mid ah sagaal Xildhibaan oo ka tirsan Guddiyada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Afrika iyo xuquuqul insaanka oo ka socda aqalka Senate-ka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Kulankan kadib, mudaneyaashani waxay Wasiirka Arrimaha dibadda Maraykanka Mr. Antony Blinken u direen qoraal ilaa 10 qodob ah oo ay ku caddaynayeen sababta loogu baahan yahay in dalka Maraykanku xidhiidh toos ah uu la yeesho JSL. Isla markaana loo baahan yahay in lagula dhaqmo xeerka 2019 ee Taiwan.

Waxaan leeyahay booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Maraykanka waxay dunida

Leave a Reply