Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga iyo horumarinta warshadaha Somaliland, mudane Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, guddoomiyaha xarunta maalgashiga Afrika, ICOA mudane Cabdinasir Turki iyo wafdi Maalgashadayaal oo uu hogaaminayay.
Weftigan ayaa ka shirkada ICT xarunta maalgashiga Turkiga, isla markaana uu gadhwadeen ka ka ahaa guddoomiyaha xaruntaasi mudane Axmed Yebrudi Xumam Akkad iyo Cabdiraxman Kaffas.
Sidoo kale waxa intii kulankaasi socday waxyaabaha laga wada waxa ugu mihiimsana in ay dalka maalgashi ka sameyn doonaan, kaasi oo loo bilaabi doono sida ugu dhakhsaha badan.