Xaqiiqda Iyo Fahamka Wanaagsan!

0
315

Wuxu ahaa aabe qoyskiisa maalin kasta webiga uga soo  dhaamin jiray biyaha waxaana uu ku soo qaadi jiray weelka biyaha labadiisa gacmood.

Midkooda labada weelka ah waxa uu ahaa mid daloolay oo biyaha ayuu daadin jiray waxaana guriga  gudihiisa uu soo gaadhsiin jiray kala badh intii uu webiga ka soo dhaamiyay.

Laba sano markii uu waday ayuu nin jaarkiis ahi oo la yaaban ku yidhi :” Waxaan la yaabay dadaalkaaga haddana cidladda ku dhaamanaya, maalin kasta biyaha aad soo qaado kala badh way daataan”.

 

Aabah oo faraxsan ayaa oo ku yidhi ninkii :” Miyaanad u fiirsan ubaxyada dariiqa guriga qurxiyay  iyo khudrada baxday ay soo saareen biyaha daataay”.  “Midhaha gurigayga ka baxay biyahan daatay ayaa waraabiya aniguna waan gurtaa”. Haddii aanu daloolin midhahaasi iima bexeen, waana aan ugu talogalay”. Waxa muhiim ah inaan aqbalano ficilada ay samaynayaan dadka aan la noolahay, wayo dhinaca aan arkayno maahe, dhinacyo kale ayaa jira oo xaqiiqda ay iyagu ogyihiin”.

 

 

Leave a Reply