Waa Guulaystay Samir iyo Halgan Adag Ka Dib

0
418

Ka dib markii uu ku guulaysan waayay fursadaha shaqo ee Qaramada Midoobay 500 jeer, Ninka lagu magacaabo Mr.Momo Bertrand ayaa ugu dambeyntii ku guulaystay.
Momo Bertrand  ayaa warbaahinta u geeyay xaqiiqada adag ee uu la kulmay markii uu isku dayay inuu shaqo ka helo UN.

Waxaana u intasai ku daray inuu  bilaabay shaqo raadsiga UN ka dib markii uu dhammeystay  waxbarashada shahaadada Masterka.

Bertrand marka uu u sheego asxaabtiisa sida uu jecel yahay inuu shaqooyinka UN, waxay ahaayeen kuwo ku dheel dheela waxaana ay ku odhan jireen  “ taasi waxa kaga fudud adigoo shaqo macalinimo ah ka raadasda dugisgyada barbaarinta caruurta ( Kindergarten ) ee Maraykanka”.

Bertrand, wuxuu ku dhashay magaalada Douala ee dalka  Cameroon, waxaana uu sheegay in aanu dheg u dhigi jirin niyad jebinta asxaabtiisa oo arrin adag u arkayay raadinta shaqadan.

Bertrand ayaa yidhi  “ Waan  kusabray, kamna daalin,  ka dib 500 oo codsi shaqo oo aan ku fashilmay, ugu danabytiina waan guulaystay,  waxaana  la igu shaqaaleyay  madaxa Warbaahinta ee ITCILO.org, oo ah hay’ad Qaramada Midoobay ka tirsan” .  Markii uu soo dhigay warkaasi bogiisa Instagrm si aad ah ayaa loo soo dhoweeyay looguna hambalyeye sabrika iyo degenaanshaha uu u yeeshay arrinka uu jeclaa. Qof kastaana waxa uu jecel yahay wuu gaadhi karaa marka uu sabir iyo dadaala la yimaado.  (myjoyonline.com)

.

 

Leave a Reply