Diyaarad ay saarnaayeen 132 qof oo ku burburtay buuralayda koonfurta dalka Shiinaha

0
500

Hargeysa (Dawan)  – Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee China Eastern Airlines (600115.SS) oo ay saarnaayeen 132 qof ayaa maanta ku burburtay buuralayda koonfurta dalka Shiinaha.

Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Kunming kuna sii jeeday Guangzhou, sida uu sheegay maamulka duulista hawada Shiinaha ee (CAAC).

Diyaaradda shilka gashay waxaa uu nooceedu ahaa Boeing 737, lamana oga khasaaraha ka dhashay, sida uu sheegay Telefishinka Qaranka ee CCTV.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sababta keentay burburka diyaaradda 737-800 aircraft oo 6-jir ah, sida laga soo xigtay Flightradar24, balse maamulka duulista hawada Shiinaha ee (CAAC) ayaa sheegay in diyaarada ay lumisay xiriirkii magaalada Wuzhou.

Duulimaadka ayaa ka ambabaxay magaalada Kunming ee koonfur-galbeed 1:11 duhurnimo. (0511 GMT), waxaana dabagalkii duulimaadku uu dhamaaday 2:22 duhurnimo (0622 GMT) iyadoo diyaarada ay ku duuleysay joog dhan 3225 cagood oo leh xawaare dhan 376 knots.

Leave a Reply