Madaxweynaha JSL oo Sharaxay Hadafka Ugu Weyn ee Safarka Weftiga uu Hoggaaminayo

0
373

Washington (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in wadamadda ugu awoodda badan ee caalamka ay wakhtigan la joogo si weyn u danaynayaan xidhiidh ay la yeeshay jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in saddex arrimood ay wadamadda quwadaha caalamka loo yaqaano oo ay ka mid yihiin Ruushka, Maraykanka, iyo Chinna ay Somaliland ku majeerteen sidii ay wax ula qabsan lahaayeen.

Saddexdaas arrimood ayuu ku sheegay madaxweyne Biixi, in ay yihiin doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee ay qabsatay Somaliland, nabadgeliyadda buuxa ee ka tisqaaday, iyo mandaqadda ay Somaliland kaga taallo gobolka Geeska Afrika oo ah mid muhiim u ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu u jeediyay kadib kulan weftiga uu hogaaminayaa ay magaaladda Washington kula yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka.

Weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland oo maalintii sideed weli safar ku jooga dalka Maraynkanka ayaa ka kooban saddex qaybood oo kala ah ganacsatadda tujaarta ah ee reer Somaliland, aqoon yahano, iyo xubno isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan.

Waxaanu madaxweyne Biixi, khudbadiisa kaga hadlay dhinacyadda xaaladda nabadgeliyadda guud ee dalka, dhinacyadda siyaasadda, horumarka, qorshaha wax ka qabashadda abaaraha soo noq noqday iyo Dhaamam biyoodyo la qorsheeyay in la qodo, sida ay xukuumadu ugu gurmatay dadka abaaruhu saameeyeen.

 Madaxweyne Muuse Biixi, waxa kaloo uu khudbadiisa kaga hadlay u jeedadda safarka ay Maraykanka ku joogaan weftiga uu hogaaminayo, kulamo ay ganacsatadda reer Somaliland ee weftiga qaybta ka ah la yeesheen haayado caalami ah, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee weftigoodda Maraykanka yimid u qabsoomay, iyo arrimo kale.

Madaxweynaha oo jaaliyadda uga warbixinayay xaladda dalka ka jirta, wuxuu sheegay in 11 sanadood ee u danbeeyay uu xukunka ama talladda dalka hayay xisbiga Kulmiye, isla markaana mudadaasi uu dalku ku sugnaa xaalad nabadgeliyo. Cadowgana in la riixo mooyee, maalin walba in xadka dalka lagu sii dhawaanayo.

Xagga horumarka: “Xagga horumarka, saddex arrimood baa aad iyo aad muhiim inoogu ah. Arragtida lagu socday 11-kaa sanadood aan soo koobo. Ta koowaad waa nabadda, haddii aad hesho meel aad salka dhigto, wax walba waad qaban kartaa.

Ta labaad ee ina haysataa, waa tacliinta iyo caafimaadka oo isku lamaan, oo labaduba aad iyo aad inoogu hawl badan yihiin. Ta saddexaad ee soo korodhay ee inoo dheeri, waa biyaha, oo biyuhu way inagu yar yihiin. Ta koowaad ee mudadda 11-ka sanadood ah ee uu xisbiga Kulmiye talladda dalka hayay, uu awoodda saarayay waa ciidamadda. Maanta waxaa ILLAAHAY SWT mahadii ah in mudadda 11-ka sanadood ah, inuu ciidankeenu 100% qalab ahaan, aqoon ahaan, iyo tirro ahaan ba kordhay.

Biyaha, 11-kaa sanadood waxaa la qoday ceelasha dhaadheer ee riigagga ah, in ka badan 250 ceel. Kuwaasoo badankoodda laga qoday goboladda Oomanaha ah, ee Barriga. Waxaa markaa dhacday in ceelashii shaqadoodii ay hawl badatay, oo ay ku filaan waayeen dadkii.

Ta koowaad ceelkii waa farsamo. Waxaana laga yaabaa in marka culays badani fuulo in dadka ka shaqeeyaa, iyagoon aqoon u lahayn, ay maalin walba dhibaato ka timaado. Waxaa gubatay Daynabadii, Ban-badii.

Waxaa laga yaabaa in aanu ceelkii shaqaynin ba laba sanadood, iyadoo ay ku baxday lacag gaadhaysa $100,000 dollar ama $200,000 oo kun oo dollar. Waxa kaloo dhacday in ceelashii marka la qodo muddo yar ka dib ba ay qaarkood qalalaan, marka culays badani ku dhaco”.

Qorshaha wax ka qabashadda abaaraha soo noq noqday iyo Dhaamam biyood oo la qorsheeyay in la qodo: “Taa darteed, qorshaha waxaa imika loo bedelay in la sameeyo Biyo-xidheenno. Shanta sanadood ee soo socota. Lacag uu bixiyay baanka adduunku, oo muddo ku dhaw 5 sanadood iyo badh aynu isku haysanay qoladda Muqdisho, oo Muqdisho la soo mariyay, oo ay yidhaahdeen anagaa dawladii qaranka Soomaaliyeed ahe, hana la soo mariyo, anaguna aan ku nidhi, qaran na ma naqaanee, anagaaba ka itaal roone, wixiina haysta.

Shan sanadood ayuu baanka adduunku la rafanayay, iyagana (Soomaaliya) ay ku adkaatay, mana isticmaali karaan. ALLE SWT mahadi ha ka gaadheen Dr. Cusmaan, iyo Sacad, ninka la yidhaahdo ayaa dagaal badan badan ka gallay, iyo cidii kale ee la caawisay ba. Dhawaan ayay soo wareejiyeen, lacagtaasi oo $14 milyan oo dollar ahayd. Inteedda badan ama $7 milyan oo ka mid ah, waxaanu ku tallo jirnaa goboladda dalka in laga qodo Biyo-xidheenno waaweyn, oo dadka in badan hayn karra, meelaha ay ka suurto gelayso. Markaa biyaha qorshadoodu imika wuu cad yahay. Waxaynu go’aan sanaynaynaa in aynu qabano biyo-xidheenno waaweyn, dalka intiisa Oomanaha ahna aynu ku horaysiino”.

Wuxuu sheegay guud ahaanba dalkeena ay biyuhu ku yar yihiin gaar ahaana magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn, marka laga reebo magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Magaaladda Hargaysa ayuu madaxweynuhu sheegay in dooxa Geed-deeble oo ay biyuhu uga yimaadaan in aan la aqoon xadiga biyaha ku jira.

Isagoona xusay in biyaha Geed-deeble ka yimaadaa aanay waraabinin rubuc ka mid ah caasimadda Hargaysa, taasoo ay sababtay tiradda dadka ku nool Hargaysa oo aad uga badan biyahaasi, iyadoona magaaladda badankeedu ay Booyado biyaha ka cabaan.

“Magaaladda Oodweyne mudadda 11-ka sanadood ah ee Kulmiye joogay, waxaanu ka qodnay ugu yaraan lix ceel biyood, oo midkood ay $500,000 kun oo dollar ku baxday. Lixdii ceel, saddex markay socdaan, ee mararka qaarkood 1000 Halaad oo Geel ah lagu soo daayo, ayuu go’aa ceelkaasi.

Lixdaa ceel ee Oodweyne laga qoday mid na biyo rasmi ah wuu keeni waayay. Waxaa khasab ah, in gobolka Oodweyne, loo qodo Dhaam-biyood weyn, oo dooxa Daad-madheedh la yidhaahdo laga qodo. Oodweyne 60KM ayaa looga soo dhaamiyaa biyaha, oo Burco ayaa looga keennaa.

Caynaba, oo imika magaallo weyn noqotay, oo dadku aad u kordhay. Laba dhibaato ayaa ka jiray. Mida koowaad waxay tahay, inta badan biyaha laga helaa waa Qadhaadh. Waa ta labaade, waa dhul biyiisa iyo ceelashiisa loo arroori karaa ay aad u kala fog yihiin. Goboladda ugu Harraadka badan ayuu ka mid yahay.

Waana dhul xoolo daaqeen ah. Laakiin, biyaha macaan meelaha loogu arroorayaa, way kala fog yihiin. Nasiiib wanaag, imika bishii u danbaysay tobanka ceel ee la qoday, kii u horeeyay ee Caynaba laga qoday, magaaladda iyo deegaankeedu ugu baxaan, biyo macaan buu noqday, oo weliba xoog ah. Waana lagu nastay”.

Gurmadka abaaraha: “Gurmad biyo dhaamis ah ayaa la gallay. Ilaa maanta waxaa la bixiyay 13000 kun oo Booyadood, oo ta ugu yarina 30 Foosto qaado, ta ugu badanina 90 Foosto, ayaa laga hawl galay.

Bishii December ee sanadkii hore, waxaa waraaq u kala dirnay caalamka, aanu ku leenahay abaar baa nagu soo Fool lehe, hala naga soo gaadho, qolooyinka dadka caawiya. 13000-kaa kun ee Booyadood, bishan March ee 19-ka ah, haddii wakhtigii aan u baranay, aanu ka soo horayaynin roobku, inta inooga hadhay Jiilaalka, waxaa loo baahan doonaa in ka badan ilaa 17000-kun oo Booyadood. Kuwaasoo intoodda badan qorshahoodii la hayo.

Waxaan idiin sheegayaa 13000-kaa kun ee Booyadood, 500, oo Booyadood ayaa naga soo gaadhay caalamka. 12500-ka ee kale, oo aaad qiyaasi kartaan kharashkoodda, 1000-ka Booyadood markii hore waxay ahayd 210,000 kun oo dollar. Maanta 1000-ka Booyadood waxay marayaan $260,000 kun oo dollar. Waayo? Biyihii baa sii fogaanaya. Dadkiina way sii badanayaan.

Lacagta intaa leeg, dhamaanteedba Somaliland baa bixisay, ganacsateedda iyo dawladeedda. Weliba ganacsatadda oo dhan maaha, waa afarta la yaqaano, ee ugu waaweyn. Waxaa jirta ganacsato dhexe, oo intaa iyo in ka badan ba bixin karta. Laakiin ku gabadda kuwii waaweynaa ba jooga. Laakiin, lacag abdan yaha iyaguna.

Anigu waxaan rumaysanahay, markii aan imika hoos Somaliland u bartay, oo aan ku kalsoonahay, dadka iyo cidii aan la hadlayo na aan ula tagaa, haddii aanu nahay Somaliland ma baryootamaynee, lacag nagu filan oo aanu isku maamulno, waanu haysanaa”.

Baayac-mushtarka reer Somaliland iyo qiyaasta dhaqaalaha ay haystaan: “Maanta bayac mushtarka Somaliland waxay ku qiyaasaan qolooyinka dhaqaale yahanka ahi, ugu yaraan sanadkii lacagta ina soo gashaa, ilaa 2 Bilyan oo dollar in ay tahay. Waxaa hubaal ah in maanta ganacsatadeenu in ay 10 Bilyan oo dollar iyo ka badan hayso. Haddii lacagtaasi ay isla kaashadaan iyagu dhexdoodda, oo ay wadaagaan. Dawladana ay isla fahmaan, oo ay u samayso addeeg wanaagsan oo iyaga oo ay kala hagto.

Waxaan hubaa, waxaynu u baahan nahay, oo aanu imika socdaalkayagan Maraykanka aanu ku joogno, aanu kala shirnay dawladda Maraykanka ay ahayd, lacag waanu haysanaaye, naga qaadda xanibaaadaha aad leedihiin la idin ma aqoonsana, oo baananka caalamka, iyo haayadaha waaweyn ee mashaariicda maalgeliya, in aanu la macaamilno, oo lacagtayadda waan u baahan nahaye, aan ku wada shaqaysano. Anaguna aanaan idin baryine, aanu wax dhisano.

Horta fariinta aanu u sidnay dawladda Maraykanka, taasi ayay ahayd. Waanay fadhiyaan kulanka caawa afartii shirkadood ee waaweynaa ee aadka loo yaqaanay. Dahabshiil, Telesom, MSG, iyo Oomaar. Waxa ra’yiga aanu isku soo raacnay uu ahaa, markii aanu hoos isku waraysanay, dadkeenu wuu yar yahay tiro ahaane, ganacsigana waynu naqaanaa, lacag na waynu haysanaa. Waxay u baahan nahay in aynu caalamka u sheegno, ma nihin qolo baryootamaysa oo caalamka leh wax nasiiya, balse anagaa lacag haysanee, weliba qoladan Maraykanka ee lacagta adduunka xukunta.

Markaa waxaanu u baahan nahay xanibaadda aad leedahay la idin ma aqoonsana, haba danbeeyo ictiraafkuye, cuno qabatayntaasi naga qaadda. Taasina meel aad iyo aad u fiican bay maraysaa, oo waxaan ku rejo waynahay, in dhawaan marka aynu isku tagno….

Waxaan is leeyahay, oo socdaalkani guusha ugu weyn ee waad gaadhaysaan aan is leeyahay, waxay tahay, ictiraafka lacagta ee baayac-mushtarkeenu gaadhaynaa, inta aynu ka siyaasiga ah isla soo rafanayno. Mar haddii taasi dhaqaale inoo hirgashana, dhibaatadda inteedda badan waynu ka baxaynaa”.

Mar uu ka hadlayay xaaladaha amaanka dalka ee dhawrkii sanadood ee u danbeeyay dalka ka jiray, wuxuu sheegay in ay hadda soo yaraanayaan, isla markaana ay bulshadu u soo jeedsatay sidii horumarka looga wada shaqayn lahaa.

Dagaaladdii beelaha reer Somaliland dhex maray ee labadii sanadood ee u danbeeyay oo uu ka mid yahay kii Ceel-Afweyn, iyo Sool, ayuu madaxweynuhu sheegay in ay ku dhinteen boqolaal qof, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Ceel-Afweyn ayuu sheegay inuu ku baxay dhaqaale badan: “Waxaa ka mid ahayd Ceel-Afweyn, labadii sanadood ee hore, sanadkii horena waxaa ku baxay $6700,000 dollar. Kii danbe ee sanadkii 2019-kiina waxaa nagaga baxay $800,000 kun iyo $200,000 kun oo dollar, in lagu kala qaboojiyo dadkaasi, oo iyaga loo kala gurmado, oo ergooyin loo dirro. Labadii sanadood ee u danbeeyay way dhamaadeen, nabad balaadhan ayaana ka dhacday goboladda Bariga dalka. Dalka maanta nabad caam ah ayaa ka jirta”.

U jeedadda safarka ay ku joogaan Maraykanka iyo waxyaabaha ay bulshadu ka filayso, iyo waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay: “Weftigayagan Maraykanka yimid, aad baa loogu Dheg taagayaa. Anagu talladda aanu ku nimid waxay ahayd, malaha waa markii u horaysay oo dawladda iyo baayac-mushtarku isa soo raacaan. Waxaanu ku nimid, in Maraykanka iyo dawladaha kale ee reer galbeedku, halka ay ka duulaan ee ay Dhegahoodu maqlaan, inuu yahay dhaqaalaha iyo lacagta. Markaa waxaanu isa soo hor marinay, oo aanu ku soo gabanay qoladii lacagta lahayd.

Waxaa khasab noqotay in aanu ganacsatadii soo kaxaysano, oo iyagana aanu tusno sida lacagaha halakn (Maraykanka) looga isticmaalayo, iyo sida loo koriyo, ay arkaan. Anaguna anagoo qaran ah aanu nidhaahno, noo ogolaado in aanu lacagtayadda kula maamili karno baananka iyo haayadaha caalamiga ah.

Waanu kala soconay, oo laba geesood ayaanu la kala shirnay, ganacsatadda iyo ragga dhaqaale yahanka ah ee la sodaa, waxay ilaa 6 shir la galeen, qolooyinka magacyadda badan leh, ee Baanka Adduunka, kuwa dawladda Maraykanka lacagta u qaabilsan, kuwa ilaaliya, way faro badan yihiin.

Waxay ganacsatadeenu ka qaateen, cashar weyn bay ka qaateen. Qoladii Maraykankuna Dhegaha ayaabay is qabteen, waa noocii u horeeyay, ee yidhaahda intaa oo lacag ah ayaanu haynaa, anagaa maalgelinayna dadkayaga, naga qaadda xanibaadda, oo aan wada shaqayno, oo lacagtayadu ha socoto. Waa markii u horaysay ee ay arkaan.

Lixdaa shir, way soo bixi doontaa, waana la qori doonaa wixii lagu heshiiyay. Waanse warka ku hayaa sidii aan ka dhegaystay markii aanu shalay kulanay, rejo 100% ah in ay ka qabaan, in arrintaasi deg deg ay wax uga qabsoomayaan.

Saakoo u danbaysay, waxay ka shirayeen qoladda baayac-mushtarku in ay looyarro qabsadaan, looyaradaasi oo ka hadli doona siday u macaamilayaan, in ay dulmi tahay in aan loo ogolayn in ay lacagtoodii, in loo ogolaan waayo, in ay iyagoo Somaliland iyo Hargaysa jooga, loo ogolaan waayay in ay la macaamilaan Baanka Adduunka, haayadda lacagta adduunka IMF. Waanay ku tallo galeen, waanay ku heshiiyeen”.

Xagga siyaasadda, iyo waxyaabaha uga qabsoomay weftigoodda inta ay joogeen Maraykanka … “Waxaan arkay, oo ILLAAHAY SWT mahadii ah tacabkii Somaliland soo gashay, iyo halgamadii kala danbeeyay ee ay soo gashay, wuxuu aniga maanta ILLAAHAY SWT goob joog iiga dhigay, oo xanuun walboo la soo maray, aan ku ilaawayaa, dawladii Maraykanka, iyo baarlamaankeedii oo leh, waynu isku baahan nahaye, Somaliland-neey maxaynu wada qabsanaa? Tacabkeedii waa kaa.

Waxaa la inagu qadariyay, oo inaga iibsamay saddex shay. Midi waa nabadda dhexdeena ah, ee 30-ka sanadood jirtay. Aad iyo aad bay uga dheregsan yihiin aqalka Cadd, qoladda arrimaha dibadda, capital Hill-kuba. Waabay inaga war badan yihiin, faylasha iyo macluumaadyadda ay inaga hayaan, ee ay ururiyeen. Waa la inaga tijaabiyay xaggaa nabadda.

Waxa kaloo la inaga tijaabiyay, oo Dhegahoodu ay aad u maqlayaan doorashooyinkeenii aynu qabsanay. Doorashadda iyo dimoqraadiyadda ayay Dhegahoodu aad iyo aad u maqlayaan. Taana way inaga tijaabiyeen, oo marka ay hayaan saddex madaxweyne oo doorasho isku bedelay, iyo laba baarlamaan oo doorasho isku bedelay, iyo saddex dawladaha hoose ah oo doorashooyin isku bedelay, oo Deerro aanay Deerro u herdiyin, oon cidi noo soo gurman, oon cidi odhan waan dhex-dhexaadinaynaa, aad iyo aad bay ula yaabeen, oo waa ta labaad ee ay inagu qadariyeen.

Ta saddexaad, waa Bogcadda ILLAAHAY SWT ina dhigay. Waxaa ku jira Bogcadaasi, inagu waxaan is leenahay waad ku dhibaataysan tihiine, oo waan iska dul soconaaye, meeshaa wax ku jiraba. Ummada ILLAAHAY Bari iyo Galbeed, dawladaha waaweyn ee is herdiyaya, ee Chinna, iyo Ruush, iyo Maraykan, dhamaantoodba bogcadaasi way wadda jecel yihiin, oo way wada doonayaan.

Waxa keliya ee inoo hadhay waxa weeye, in aynu khilaafaadkeenna yarayno, meel aynu joog naba, oo aynu ka duulno, inta aynu wada leenahay, ee aynu heshiiska ku nahay ayaa ka badan, inta aynu isku khilaafsan nahay. Taanna waxaa laga rabaa in ay ka qayb qaataan aqoon yahanka, oo qurbejooga u badan”.

 

Leave a Reply