Xildhibaan Qodax Oo Biyo Gaadhsiiyay 18 Tuulo

0
710

Hargeysa (Dawan): Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa oo muddooyinkii ugu dasmbeeyay ku hawlaa gurmad biyo dhaamis ah oo uu u fidinayay dadka ay abaartu saamaysay ayaa shalay Booyado biyo ah gaadhsiiyay degaamo ka tirsan degmadda Sallaxley, iyo degmada Darroor ee DDS Itoobiya.

Muddo shan todobaad ah oo xidhiidha ayaa maalin kasta oo Jimce ah uu Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), booyado biyo ah gaadhsiinayo deegaamo ka tirsan degmooyinka hoos yimaadda gobolka Maroodi-jeex iyo deegaano hoos yimaada xadka Itoobiya, waxaana ugu dambeeyay hawl-galkii Salaxley iyo degmooyin ka tirsan DDS Itoobiya.

Booyadahan biyaha ah ayaa tiradoodu dhamayd 28-Booyadood, waxaana la gaadhsiiyay 18-deegaan oo ka kala tirsan Salaxley iyo Darroor

“Alxamdulilaah waxaan jimcihii shanaad oo xidhiidh ah booyado biyo ah gaadhsiiyay deegaannada hoos taga Degmooyinka Sallaxley iyo Daroor.

Booyadahan biyo ah ayaa tiradoodu dhamayd, 28-Booyadood, waxaana la gaadhsiiyay 18-deegaan.

Sidoo kale socdaal qaatay wakhti ka badan 20-saacadood ku soo maray deegaamada hoos yimaada Degmada Daroor iyo Sallaxley, si aan ugu kuur galo xaaladda adag ee bulshada abaaraysani ku jirto oo maraysa halkii ugu darnayd

Waxaan maanta halkan fariin-dheer u dirayaa dhamaan bulshada gudo iyo dibad-ba,dawlad iyo ganacsatadaba oo aan ugu baaqay inay gurmad degdeg ah lasoo gaadhaan dadka abaaraysan oo xaaladoodu sii adkaanayso”.

Sidoo kale xildhibaan Qodax oo hadalka sii watay waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaan uga mahad naqayaa maamulka Degmada daroor oo ay weheliyaan, Madax dhaqameedka, aqoonyahanka iyo waxgaradka kasoo jeeda Degmadaasi shahaado Sharafii ay igu maamuuseen

Liiska deegamada biyuhuu gaadheen doorkan:-

1: Kaam Abokor 2 Booyadood.

2: Higlada 2 Booyadood.

3: Aar Joog 1 Booyad.

4:Qool-buulalle 2 Booyadood.

5: Shabeelle 1 Booyad.

6: Kaam Maxamed 2 Booyadood.

7: Lafo-ciise 1 BOOYAD.

8: Burco-duuray 2 Booyadood.

9: Balliga Cabdi 2 Booyadood.

10: Rabaso 3 Booyadood.

11:Celiyo-da Sare 2 Booyadood.

13: Karooska 1 Booyad.

  1. Waaba-caddo 2 Booyadood
  2. Gaashaanka 2 Booyadood.
  3. Aadan Waraabe 1 Booyad

17.Laanqayrta Celiyo 1 Booyad.

  1. Sallaxley 1 Booyad.

 

Leave a Reply