“Somaliland Waxay Cadaysay in ay Tahay Deegaan Xasiloon, Horumarsan Dimoqraadiya” Senetor Chris Van Hollen

0
422

Senatarrada Maraykanka ee kala ah Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, Chris Van Hollen iyo Mike Rounds, oo ah xubin ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika ayaa todobaadkan soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda USA ay warbixin ka siiso Congress-ka la macaamilka Somaliland.

Senetarradan ayaa sidoo kale soo gudbiyey in iyada oo lala tashanayo wasiirka difaaca Maraykanka la sameeyo daraasad la xidhiidha sidii loo samayn lahaa xidhiidh iskaashi oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.

Xildhibaan Jim Risch oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waqtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada suurtagalka ah ee faa’idada u leh labada dhinac, , oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn xallinta caqabadaha maanta taagan.”

Chris Van Hollen oo ka mid ah senetarrada soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa isna sheegay in “Iyadoo Geeska Afrika uu wajahayo xaalad deggenaan la’aan ah, kor u qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimuqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Senetor Chris Van Hollen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas u daray in “Muddo tobannaan sano ah, ay Somaliland caddaysay in ay tahay deegaan xasilloon, dimoqraadiyad horumarsan iyadoo isla markaana ku dhex jirta bad colaadeed”.

Van Hollen ayaa intaas ku daray in taasi ay tahay sababta loo kordhinayo fursadaha la macaamilka Mareykanka ee Somaliland oo ay macnaha u yeelanayso “Sharcigayagu waxa uu gacan ka gaysan doonaa hubinta in Maraykanku uu sahamiyo fursadaha waaweyn ee xidhiidhkan faa’iidada leh.”

Hay’adda The Heritage Foundation ayaa ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad xaddidan, xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.

Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baarista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha —si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hogaamin doona Ameerika.

Dhinaca kale, Hay’adda The Heritage Foundation oo ah hay’ad ka shaqaysa arrimaha kor u qaaddista siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, xidhiidhada caalamiga ah, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo arrimaha difaaca ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu istiraatijisan Afrika.

Ha’yadda ayaa sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.

Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.

Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in aanu jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo si madax bannaan ay ku dhaqmi jirtay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

 

 

Leave a Reply