Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo Bulshada Fariin u Diray

0
240

Hargeysa  (Dawan) Guddida gurmadka abaaraha heer qaran oo uu guddoomiye u yahay  Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay bulshada la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay shaqaynayeen, qorsheyaaashooda mustaqbalka, sida ay guddi ahaan u nidaamiyeen qaadhaankii gacantooda soo galay iyo hannaanka daaha furan ee ay guddidu shacabka abaartu taabatay u gaadhsiisay biyaha iyo raashinka.

Shir jaraa’idn  oo  shalay guddidu ku qabteen xarunta qasriga madaxtooyada, ayey si gun iyo baar ah shacabka ugu sharraxeen wixii u qabsoomay, gurmadka ay ka geysteen dadka abaartu taabatay, iyaga oo sidoo kalena bayaamiyey inay dardargelinayaan hawsha baaxadda leh ee dadka iyo duunyada abaartu taabatay u hayaan.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulanka lagaga warbixinayey waxqabadka iyo qorsheyaasha guddida ka hadlay, ayaa sharraxay qorsheyaasha ay ka leeyihiin gobollada galbeedka iyo badhtamaha dalka, isaga oo xusay in culaysku sii kordhayo, islamarkaana ay guddi ahaan gobollada Maroodi-jeex,Hawd, Saaxil, Awdal iyo Selel gaadhsiiyeen   1300 oo lowdh oo biyo ah, waxaanu ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka qaybqaataan gurmadka abaarta.

Waxaanu yidhi.“Innaga oo la kaashanayna bulshaweynteena in aanay dadkeena iyo duunyada abaartu saameysay aanay biyo la’aan u dhimanin, wixii itaalkeena ahna aynu joogtayno.

Bulshada waxaan ka codsanaya in ay ALLA bariga badiyaan, meelkasta oo ay joogaan, oo Masaajidada ducada Qunuuda iyo salaadaha roobdoonta ah laga joogteeyo.

Guddidu waxa ay isla garatay in culayska saddexda  gobol ee barigu  ugu weyni ay biyo yihiin, marka waxa aanu qorshaynay in loo qaado saddexdaa boqol iyo konton kun oo dollar, una dhigmaysa in  ka badan laba kun iyo shan boqol oo lowdh in lagu soo qaybiyo saddexdii gobol.

Waxa innaga soo gaadhay hay’addihii caalamiga ahaa waxa inaga soo gaadhay 120% ma dhama, gurmadka abaaraha ee imika qabsoomay, dib u dhac ayaa ku jira, iyagana waanu wada hadalay imikana mar labaad ayaan baaq ugu celinaya hay’addaha caalamiga ah, in wixii ay hayaan ay la soo deg degaan mar haddii aanay dadku sugi karayn, oo baahidii biyood iyo tii cunto labaduba ay taagan yihiin”

Guddoomiyaha hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka, ahna xoghayaha guddida gurmadka abaaraha, Mudane Faysal Cali Sheekh, ayaa ku dheeraaday waxyaahihii ay guddidu qabatay muddadii ay safarka shaqo ku joogeen gobollada Daad-madheedh, Togdheer, Buuhoodle, Saraar, Sool, Xaysimo, Badhan iyo Sanaag, waxanu sheegay inay gobolladaas gaadhsiiyeen kaalmo biyo ah oo ay ku baxday lacag dhan $500,000 (shan boqol) oo kun oo lagu dhaamiyey biyo dhan 14370 lowdh, lana hawlgeliyey 50 ceel biyood, 14,600 oo qoys oo gobollada bariga ku dhaqanna loo qaybiyey raashin, iyada oo la caafimaadiyey Shan milyan oo neef.

Sheekh Cabdilaahi Barbaraawi oo katirsan culimada xubnaha ka ah guddida gurmadka abaaraha, ayaa isaguna ku baaqay in bulshadu gacmaha isu wada qabsato sidii ay ugu midoobi lahaayeen caawinta iyo gacan siinta dadka iyo duunyada abaarta ku tabaaloobay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid, ayaa sheegay iyaga oo kaashanaya guddida ganacsatada iyo culimada, ayaa bixin doonaan dhammaanba qaadhaankii ay ganacsato ahaan ballan qaadeen inay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaarta, islamarkaana ay xil weyn iska saari doonaan sidii bulshada abaaraysan u gaadhsiin lahaayeen biyo iyo baad.

 

 

 

 

Leave a Reply