“Hiigsiga yaga ugu wayni wuxuu yahay in aanu helno aqoonsi caalami ah” Madaxweyne Biixi

0
226

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu Maraykanka ugu safray, si uu dadka Maraykanka uga dhaadhiciyo qadiyada Somaliland, in uu ku qanciyo in uu Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid amni.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Jaamada George Washington University, ayaa sheegay in Somaliland ay dhistay dowladnimadeeda imikana ay diyaar u yihiin in ay caalamka ku qanciyaan in Somaliland ay tahay dowlad jirta oo aqoonsi ka rabta beesha caalamka.

Waxaanu yidhi.”Halkan waxaanu u nimid in aanu dadka Maraykanka iyo aqoonyahakooda u sharaxno qadiyada Somaliland, hiigsigayaga ugu wayni waxa weeyaan in aanu helno aqoonsi caalami ah, 30 sanno waxaanu dhisaynay gudahayaga, hadana waxaanu rabnaa in aanu dadka ku qancino in meesha dowladi ka jirto”

Waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay dalkooda dib u dhiseen, kadib burburkii ay u gaysatay dowladii kacaanku, isagoo sheegay in ay dhismaha Somaliland kasoo bilaabeen meel aad u hoosaysa.

“Somaliland waxay dib u dhistay magaalooyinkeedii iyo xarumihii waxbarashada, ma malayn kartid waxaanu soo marnay, ciidankii cashuurtayada laga masruufayay, ayaa dakan dakan ka dhigay magaalooyinkayaga 1988, waxaanu ka soo bilownay iyadoo aanu jirin xafiis dowladeed, isbitaal iyo ciidan amaan toona”Ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay waardiyaha Badda Cas, “Waxaanu nahay waardiyayaasha Badda Cas ka ilaaliya argagixisada, sidaad ogtihiin Geeska Afrika waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo argagixiso oo badan, Alshabaab, Daacish iyo kuwo kale, waxaanu leenahay xeeb dhererkeedy dhanyahay 840 KM, 33 kii sanno ee lasoo dhaafay wax budhcad badeed ah laguma arag.”

Leave a Reply