Madaxweynaha Somaliland oo Qudbad Ka Jeediyey Jaamacadda The George Washigton

0
267

Madxweynaha ayaa qudbad dheer oo uu ka jeediyay jaamacadda The George Washigton kaga hadlay Somaliland iyo doorka xidhiidhka caalamiga ah

Washington(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku gudojira socdaalkiisii Maraykanka, ayaa shalay qudbad dheer oo la xidhiidha xidhiidhka caalamiga ah iyo doorka  Somaliland ka jeediyey machadka darasaadka Afrika ee Jaamacadda The George Washigton ee dalkaas Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa oo lagu marti qaaday Jaamacadda The George Washigton,  wuxuu sheegay inay Somaliland u halgamayso  madax-bannaanida  halgameyaashii George Washington ka mid ahaayeen ay dhaxal uga tageen dadka Maraykanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka xog-warramay sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo xornimadii ay ka qaadatay Ingiriiska 26kii June 1960kii.

Madaxweynuhu wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal bogcad istaraataji ah kaga taalla gobolka Geeska Afrika gacanka cadmeed.

 

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in dib u dhiska dalku ku qaatay muddo 33 sannadood ah inay soo gaadho heerka maanta ay ku naalloonayso oo ay caalamka u soo bandhigtay inay iskeed is-bixisay aqoonsi la’aan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland leedahay Xukuumad, laba aqal oo baarlamaan oo la soo doortay, isla markaana ay dalka ka dhaceen 22kii sannadood ee la soo dhaafay lix doorasho oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto xasilooni cago-adag ku taagan, waxaanu ka hadlay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa 2008 iyo dilkii Macalimiintii Ingiriiska ahaa lagu khaarajiyey Dugsiga Sheekh Sannadkii 2004tii, waxaanu tilmaamay in muddadii intaas ka dambeysay ay Somaliland xuduudaheeda berriga iyo baddaba ay ka fogaysay kooxaha argagixisada iyo budhcad-baddeedda halista ku haysa gobolka Geeska Afrika.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Somaliland ay ilaalo xoog leh ka hayso badda cas iyo marinka gacanka Cadmeed oo ah ka ugu mashquulka badan ee ganacsiga adduunka iskaga gooshaa uu maro.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in dawladnimadda Somaliland ku socoto cashuurta laga qaado muwaadiniinta, isla markaana aanay jirin cid ka kabta miisaaniyadda, waxaanu xusay in Somaliland   laga dhisay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalkaba.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland dawladdii Soomaaliya ku duqaysay diyaaradihii laga soo iibiyey cashuurta shacbiga isla markaana la duqeeyey oo la burburiyey magaalooyinka dalka iyo dhammaan xafiisyada iyo adeegyada guud ee dalka.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland lixda gobol ee waaweyn laga dhisay 1000 dugsi, isla markaana gobol walba laga hirgaliyey jaamacad. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu caddeeyey in 400 oo rugo caafimaad ah inay Somaliland dhisatay. Waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland tahay dal aan lagu lahayn wax deyn ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland xafiisyo wakiil ku leedahay 28 dal oo caalamka ku kala yaalla, isla markaana ay magaalada Hargeysa xafiisyo ku leeyihiin dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Imaaraadka iyo Taiwan, waxaanu xusay in yoolka ugu weyn ee Somaliland leedahay ay tahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalamiya.

Mar uu ka hadlayey maalgashiga waxa Madaxweyne Biixi sheegay inay casriyeynta marsada Berbera maalgelisay shirkadda DP World, oo dhammaystirtay wejigii hore ee ballaadhinta dekedda oo ay ku baxday 400 oo milyan oo doolar, halka wejiga labaadna ay sannadkan gelinayso 600 oo milyan oo doolar. Madaxweynuhu wuxuu iftiimiyey inay Somaliland doonayso inay xidhiidh ganacsi la yeelato dalalka aan badda lahayn ee gobolka.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in Somaliland aanay macaamil la lahayn Baanka adduunka ee IMF, isla markaana ay doonayaan in ganacsatada dalku ay cilaaqaad la yeeshaan hay’adaha maaliyadda, maadaama oo Somaliland uu ka jiro suuq xor ahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay inay maamulka Maraykanka ku boorriyeen inay xafiis ka furtaan Somaliland, kaas oo muhiim u ah labada dhinac.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay Hay’adda USAID iyo Qarammada midoobay inay ugu baaqeen inay kaalmada ay toos u siiyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay in tallaalkii xannuunka COVID19 ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay Somaliland xili uu dhacay wakhtigii tallaalka loogu talogalay.

Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu madashaas kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey Somaliland dimuqraadiyadeeda, iyo horumarkeeda iyo asbaabaha ay u danaynayaan inay xidhiidh la yeeshaan Maraykanka.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply