Sucuudi Carabiya Masuul kama noqonayno hoos u dhaca shidaalka ee caalamka

0
350

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegtay in aanay “mas’uul ka noqon doonin” hoos u dhaca shidaalka ee suuqyada caalamka marka la eego weerarrada ay kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta Yemen ku qaaday xarunteeda shidaalka.

Goobaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga ayaa waxaa lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaallo ay soo rideen Xuuthiyiinta, xilli suuqyada tamarta uu ka jiro jahawareer ka dhashay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Sarkaalka Sucuudiga ka tirsan oo aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in duullaanka ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha saliidda ee Boqortooyada Sucuudiga ay yeelanayso “saamayn xun, gaar ahaan qaybaha wax-soo-saarka, habaynta iyo sifaynta”, taas oo horseedaysa “in ay saamayn ku yeelato awoodda wax-soo-saarka ee boqortooyada” iyo awoodda gudashada waajibaadkeeda.”

Amin Naasir, oo ah maamulaha guud ee shirkadda Aramco, ayaa yidhi, “Qaabkan weerarrada ah iyo sida ay u sii kordhayaan waa arrin walaac weyn ku haysa caalamka, haddii ay xaalad cusubi soo korodhona waxaa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato shidaalka.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga oo aan la aqoonsan ayaa ku boorriyay beesha caalamka in ay garwaaqsadaan halista ka dhalan karta in Iran ay hubeyso Xuutiyiinta, kuwaasi oo dagaal kula jira xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo, ee billaabay faragelinta milateri ee Yemen 7 sano ka hor.

Sannadkii hore, maamulka Biden ayaa hakiyay taageeradii uu siin jiray hawlgallada militari ee xulafada Yemen, dib u eegis lagu sameeyay hubka laga iibinayo Sacuudiga, wuxuuna ku booriyay Riyadh inay soo afjarto go’doominta isbahaysiga caalamiga ah ee goobaha ay Xuutiyiinta maamulaan.

Xiisadan ayaa ku soo beegantay xilli uu cirka isku sii shareeray xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, waxaana Sacuudiga uu diiday baaq ka soo yeedhay reer galbeedka oo ahaa inay kordhiyaan wax soo saarka si ay u xakameeyaan qiimaha sare u kacay kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Dhowr waddan oo waaweyn oo warshadaha ayaa doonaya inay ku qanciyaan Sacuudi Carabiya iyo inta kale ee soo saarta saliidda waaweyn inay kordhiyaan wax soo saarka si ka badan wixii ay ku heshiiyeen waddamada isbahaysiga OPEC Plus oo uu ku jiro Ruushka.

Leave a Reply