Dacwad u dhaxaysa shirkada Amazon iyo dadka Asaliga ee Koonfur Afrika

0
320

Gudiyo ka soo jeeda Bulshooyinka Asaliga ah ee Khoi iyo San ee reer Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyey go’aan ay maxkamad ku taal Cape Town ku joojisay dhul ay shirkada Tiknoolajiga ee Amazon ka waday dhisme oo ku yaal Cape Town oo Koonfur Afrika ah. Bulshooyinkan Asaliga ah ee Khoi iyo San ayaa hore  dacwad ugu soo gudbiyey maxkamada taas oo ay ku codsanayeen in la joojiyo dhismaha xarunta Tiknoolajiga ee Amazon oo xarunteeda Afrika ka dhisanaysa Koonfur Afrika.

Go’aanka maxkamada waxa lagu sheegay in la hakiyay mashruucan oo ku kacaya 270 milyan oo doolar, ilaa la tashi lala samaynayo dadka Asaliga oo dhulkaas u arka in uu yahay mid xurmo ama Muqadas ah.

Tariq Jenkins oo ka tirsan kooxda keentay codsiga maxkamadda ayaa soo dhaweeyay amarka, waxaana uu yidhi “Dhaxalkayagu iib maaha,”. Maxkamada ayaa tix gelinaysa  Qowmiyadan, kuwaas oo loo arko in dadka Khoi iyo San ay xaq u leeyihiin inay ku noqdaan meelaha ay ka soo jeedaan awoowayaashood ee lagala wareegay”.

Garsoore ku-xigeenka maxkamadda Western Cape Patricia Goliath ayaa joojisay dhammaan dhismihii dheeriga ahaa inta laga gaadhayo ka-qaybgal macno leh iyo la-tashiga dadka.

Meesha laga dhisayo waxa loo yaqaan Table Mountain , waxaanay ku dhowdahay Webiga loo yaqaano Black River ee Cape Town. Waxa laa xidhiidhiyaa goobta iska hor imaadyadii hore ee Burtuqiiska iyo kuwii Netherland ee sanadihii1510 iyo 1659 ee ku soo duulay dhulkan.  San waxa ay ku noolaayeen Koonfurta Afrika in ka badan 2,000 oo sano ka hor iyaga oo Ugaadhsadeyaal ah. Waxaa markii dambe ku soo biiray Xoola-dhaqatada reer Khoi oo koonfur u guuray si ay u degaan Galbeedka dalkaa.

Maamulka Cape Town ayaa Amazon u ogolaatay in ay dhisato sanadkii 2021, iyada oo la sheegay in dhismaha ay ku jiri doonaan Hotel iyo goob tafaariiqeed.

Amazon ( AMZN ) ayaa diiday inay faallo ka bixiso Isniintii, balse Ururka First Nations Collective oo taageeray mashruuca, ayaa sheegay in ay si degdeg ah racfaan uga qaadan doonaan xukunka. Wakiilo metelaya Amazon ayaa sheegay in qorshahani uu Cape Town u noqonayo mid camira iyada oo ay ka abuurmayaan 6,000 kun oo shaqo iyo 13,000kun oo shaqo oo si dadban uga abuurmaya.

Tariq Jenkins oo hormuud u ah kooxda Asaliga ah ayaa sheegay in aanu dagaalku dhammaan, waxa uu yidhi “ Amazon ma dhisato dhulka taariikhiga ah ee Washington, sida the Lincoln Memorial in Washington DC, sidaa awgeed maxay u xurmayn weyday goobahayga taariikhiga ah”. Dad gaadhaya 50,000 kun oo qof oo ka soo jeedaha Qowmiyadaha Asaliga ah ayaa saxeexay qaraar ay ku doonayaan in la joojiyo dhismaha dhulkaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa labada dhinacba muujinayaan in uu jiro doono dalka sharci oo sii socon doono, waxaana kooxaha Asaliga ahi u diyaar yihiin in ay dagaal geeyaan Maxkamada

Leave a Reply