Juventus oo Wada-hadallo Hordhac ah la Furtay Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah

0
275

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka faa’iidaysanaysa is-faham la’aanta u dhaxaysa Liverpool iyo xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, waxaanay xidhiidh la samaysay wakiilka  laacibkan oo ay la furtay wada-hadallo hordhac ah.

Mohamed Salah oo qandaraaskiisa Liverpool uu ku egyahay xagaaga 2023 ayaa haysta hal sannadood oo heshiis ah, laakiin waxa aanay wali kooxdiisa isla meel-dhigin inuu saxeexo heshiis cusub.

Liverpool ayaa ka warwareegaysa in ay ogolaato, in Salah ay mushaharkiisa gaadhsiiso £400,000 Gino oo toddobaadkii ah, iyadoo uu laacibkana doonayo in laba-jibbaar laga dhigo mushaharkiisa hadda oo ah £200,000 usbuucii.

Hore ayuu Salah u sheegay in aanu waxyaabo waalli ah ka dalbanayn kooxdiisa laakiin uu doonayo inay buuxiyaan shuruudo iska caadi ah oo ay ka mid tahay mushaharka, taas oo ay Liverpool na u aragto in ay deggenaansho la’aan ka keeno doonto qolka labbiska haddii ay Mohamed Salah siiyaan £400,000 Gini, maadama ciyaartoyga ugu mushaharka badan naadigan uu hadda u xaadiro kala-badh inta uu Salah dalbanayo.

Juventus oo uu ka tegayo Paulo Depala ayaa doonaysa inay ku beddesho Mohamed Salah sida uu qoray wargeyska La Gazzetta dello Sport, waxaanay xidhiidh la samaysay wakiilka xiddiga reer Masar oo ay yeeshheen wada-hadallo hordhac ah.

Inkasta oo ay jirto shaki ay dhinacyadu ka qabaan in Juventus ay awoodi karayso inay bixiso mushaharka uu dalbanayo, haddana waxa uu wargeyska La Gazzetta dello Sport uu sheegay in kooxda Talyaanigu ay bixin doonto illaa  £10 milyan oo Gini sannadkii.

Si kastaba, Liverpool ayay culays badan ku tahay inay waqtigan maqlaan in xiddigooda ugu goolasha  badan ay koox kale wada-hadallo la furtay, iyadoo waliba sannad iyo dhawr bilood ay ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Anfield.

Leave a Reply