Mulkiilaha Chelsea ee Abramovich oo Iibsanaya Koox Kale, ka dib Markii ay Dawladda UK ku Qabsaday Blues

0
426

Maalqabeenka Ruushka ah ee Roman Abramovich ee lagu qasbayo inuu iibiyo kooxdiisa Chelsea kaddib xayiraado ay kusoo rogtay dawladda UK, ayaa waxa uu wada-hadallo la bilaabay koox kale oo reer Yurub ah oo uu doonayo in uu iibsado, taas  oo uu ka noqon doono mulkiile haddii uu lumiyo naadigiisa hadda ee Chelsea.

Maalmihii ugu dambeeyey ayay Chelsea helaysay dalabyo lagu iibsanayo, waxaanay dawladda UK meesha ka saartay in Roman Abramovich uu wax hanti ah ku lahaado gudaha dalkeeda, waxaana jidka u bannaan uu yahay kaliya inuu iibiyo Blues.

Bilyaneerkan oo si aad ah u xiiseeya kubadda cagta ayaa waxa la sheegay inuu wada-hadallo la yeeshay mulkiileyaasha kooxda reer Turkey ee Goztepe oo uu doonayo in uu iibsado.

Sida ay sheegtay warbaahinta Fanatik, Abramovich ayaa danaynaya inuu la wareego mulkiyadda kooxdan oo kaalinta 18aad kaga jirta miiska kala-sarraynt ahoryaalka Turkey ee Super Lig, isla markaana laba dhibcood oo kaliya ka sarraysa booska halista ee dib loogu noqdo heerka labaad.

Warkan ayaa soo baxay 48 saacadood oo kaliya kaddib markii la sheegay in dad reer Ukraine ah oo watay doonni yar ay isku dayeen inay dhexda u galaan doonta raaxada Roman Abramovich omaalintii Isniinta.

Lama garanayo in xayiraaduhu ay saamayn doonaan kooxda reer Turkey ee Goztepe haddii uu iibsado Roman Abramovich, hase yeeshee waxa la ogyahay in labada dal ee Turkey iyo Ruushku ay isku dhow yihiin, kana dhexeeyo xidhiidh qoto dheer.

 

Leave a Reply