“Danbi baa ka dhalanaya haddii dalka laga dhigo mudaharaad aan sharci ahayn” Wasiirka Hawlaha Guud

0
432

Hargeysa (Dawan) -Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI oo ku baaqay in mudaharaad laga dhigo dalka haddii ay qabsoomi weydo doorashada madaxtooyaddu 13ka November ee sannadkan.

Wasiirka Hawlaha Guud oo xalay ka qaybgalay xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo lagu qabtay Huteelka Dhoolayare, ayaa sheegay in xisbiyadu ay ku jiraan sharci isla markaana haddii ay ilaalin waayaan shuruucda dalka aanay iyaguna jiri doonin.

Wasiir Cabdilaahi Abokor wuxuu tilmaamay in Xeerka Nabadgelyada iyo anshaxa guud ee xeer NO:51 oo soo baxay sannadkii 2012kii uu saxeexay Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu tilmaamay inay karaamo dhac ku tahay inuu u hoggaansami waayo shuruucdii uu saxeexay dhaqangalkooda, waxaanu ku dooday in xeerka Nabadgelyadu aanu dhigaynin in waddanka laga qabto mudaharaad aan sharci ahayn.

Waxa kaloo Wasiirku xusay in dambi ka dhallanayo haddii xisbiga WADDANI isku dayo inuu mudaraad sharci darro ah ku baaqo.

Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu intaas ku daray in aanay jirin cid doorasho diidani, hase ahaatee xisbiga WADDANI uu ka baqanayo ururrada siyaasadda ee furmaya bisha June ee sannadkan, waxaanu hoosta ka xariiqay in doorashada ururradu ay ka soo horeyn doonto ta madaxtooyadu.

Leave a Reply