Madaxweynaha Somaliland oo Qodobeeyay Guulaha Qaran ee Socdaalkiisa Maraykanka

0
466

Wefdigii Madaxweynaha oo guulo dublamaasiyadeed maanta la soo noqonaya

 

 

Wasington(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa  ka hadlay socdaalkii weftiga ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay  guulaha qaran ee ay kala soo noqdeen dalka Maraykanka iyo kulamadii wax ku oolka ahaa ee ay la yeesheen dawladda Washington iyo  xildhibaanada labada aqal ee Maraykanka iyo hay’addo caalami ah iyo ganacsato waawayn oo dalka Maraykanka ah.

Waxaanu Madaxweyne Muuse caddeeyay in isaga iyo weftigiisa kulan kasta oo ay cid la yeesheen uu ahaa mid si wayn loo qaabilay isla markaana madaxda ay la kulmeen ay diyaar u ahaayeen in Somaliland iyo Maraykanku ay wada shaqayn buuxda yeeshaan isla markaana dalabada dal wax badan iska kaashadaan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo guulo dublamaasiyadeed iyo kuwo ictiraaf ka soo gaadhay socdaalkiisii ayaa sheegay inuu baal cusub u bilaabmay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, wada shaqeyn dhowna u bilaabantay labada waddan.

Qoraal Madaxweynahu shalay ku baahiyey bogiisa rasmiga ah ee Twitter ayuu ku sheegay in dhamaan masuuliyiintii Maraykanka ee ay la kulmeen muujiyeen xiisaha ay u qabaan xidhiidhka Somaliland.

Fariinta Madaxweynahu baahiyey ayaa u qornayd sidan.

“Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan booqdo Mareykanka si aan ula kulmo Maamulka Biden, Xubnaha Congress-ka iyo ganacsatada Mareykanka iyo madaxda bulshada rayidka ah. Shir kasta, waxa aan la kulmaa xiiso cusub oo xidhiidh dhow la leh Somaliland..” ayuu sheegay Madaxweyne Muuse

Fariintan ayaa la raaciyey “Horey u socoshada, waxaan la shaqayn doonaa Maamulka Biden si aan u sii wadno iskaashiga ujeedooyinka la wadaago, oo ay ku jiraan amniga badda, la dagaallanka argagixisada, gargaarka bini’aadannimo, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta ganacsiga.

Madaxweyne . Muuse ayaa sheegay in wefdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey fagaare walba, isagoo yidhi, “Weftigayagu waxa kale oo si diirran loogu soo dhaweeyey Congress-ka. Toddobaadkii hore, koox laba-geesood ah oo Senataro ah  ayaa soo bandhigay “Xeerka Iskaashiga Somaliland” – tallaabo weyn oo hore loo qaaday xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland. Somaliland waxa ay maanta saaxiibo badan ku leedahay dalka Maraykanka, waxa aan rejaynayaa in aan kala shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyada, la dagaalanka argagixisada iyo sidii barwaaqo looga abuuri lahaa Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane. Muuse  Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hogaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay labada todobaad dalka Maraykanka ayaa maanta ku soo noqonaya dalka.

 

Leave a Reply