Xukuumadda Somaliland oo Mulkiyadooda la Wareegtay Buuraha iyo Goobo kale

0
398

Hargeysa (Dawan) Kulan uu shir guddoomiyay guddoomiyaha nashqadaynta Qaranka Somaliland, ahna wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa lagu go’aamiyay in qorshe magaaleed loo sameeyo magaalooyinka, Hargeysa, Burco iyo Berbera.

Kulankan waxa ka soo qayb galay, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka isgaadhiinta, wasiirka macdanta wasiirka degaanka, wasiirka beeraha wasiirku xigeenka caafimaadka, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda reer miyiga.

Qodobada ugu mihiimsan ee kulankan diirada lagu saaray waxa ay ahaayeen.

1 Guddida nashqadeyntu Qaranka Somaliland, waxa ay aqbashay codsi ugua yimid maayirada magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, isla markaana ay ku dalbanayeen in qorshe magaaleed loo sameeyo magaalooyinkooda,  dood dheer kadib waxa ay guddidu isku raaceen in la tixgaliyo codsiga maayirada, isla markaana qorshe magaaleed dhammeystiran laga sameeyo magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.

2  Sidoo kale waxa la isla meel dhigay in aan guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, qorshayntoodu aanay dhaafi karin 5-km, kana bilaabmaya halka dhismuhu ku joogo, sida uu sheego xeerka dhulka qodobkiisa 3-aad farqadiisa 3aad.

3  In wasaaradda arrimaha gudaha oo kaanshanaysa guddida nashqadaynta Qaranka ay guddi farsamo u saarto ka soo talo bixinta arrimaha kala xadaynta maamulka degmooyinka dalka.

4 In xafiisyo loo sameeyo guddiyada ka garnaqa dacwadaha dhulka ee magaalooyinka darajadoodu tahay A-da, isla markaana wasaaradda arrimaha guduhu ku amarto dawladdaha hoose diyaarinta goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen, marka laga reebo dawladda hoose ee Hargeysa.

5 In nashqadaynta magaalo kasta lagu daro dhul loogu talo galay taawarada shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira.

6 In mulkiyada beeraha ee ay bixiso wasaaradda beeruhu lagu saleeyo badka uu jideeyay xeer No/8 ee beeraha.

7 Haddaba guddida ayaa mabnuuc ka dhigtay qorshe magaaleedka loo sameeynayo ee Hargeysa, Burco iyo Berbera aan la qorshayn karin buuraha, jeex-jeexyada, babacyada, isla markaana ay yihiin danguud, cid gaar u sheegan kartaana aanay jirin ee ay yihiin danguud.

Leave a Reply