Maareeye Daarood oo Daboolka ka Qaaday in 70% la Dhammeystiray Mashruuci biyo balaadhinta Caasimada

0
703

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha wakaalada biyaha magaalada Hargeysa, mudane Maxamed Cali Daarood ayaa shaaca ka qaaday in 70% lagu guulaystay dhammeystirka mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.

Hargeysa (Dawan) Mareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in hawsha biya balaadhinta caasimada Hargeysa ay inta badan si fiican u soo dhammaatay, isla markaana ay magaalada ku wareejiyeen 200-km tuunbooyinka biyaha u kala gudbin doona xaafadaha magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan fayo dhawrka biyaha magaalada Hargeysa, iyaga oo ka wakaalad ahaana aasaasay shaybaadhka biyaha magaalada Hargeysa, kaas oo uu xusay in imika lagu baadho biyaha dalka, isaga oo intaas raaciyay in meelo ka baxsan dalka biyahooda lagu baadho shaybaadhka Somaliland, halka sidoo kalena ay ku baadhaan biyaha ceelasha gaarka loo leeyahay.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in ay sannadkii ina dhaafay xadhiga ka jareen xarunta maareynta biyaha hoose, isla markaana ay ugu kuurgalayaan tayada biyaha dhulka hoostiisa ku jira.

Waxa kale waxa uu sheegay in saddex ka mida shirkadihii gacanta ku hayay mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ay  shaqadii ka joojiyeen.

Maareeye Daarood, waxa uu sidan ka sheegay mar uu warbixin siinayay Mudanayaasha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, oo  xarunta golahooda kulan xog wareysi ah kula yeeshay, kaas oo ay wax ka weydiiyeen mashruuca biya balaadhinta caasimada Hargeysa hadda halka uu marayo.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland mudane Dayib Xasan Axmed ayaa mahad celiyay masuuliyiinta wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa sida ay u soo ajiibeen dalabkii mudanayaashu ugu yeedheen.

Maareeye Daarood waxa uu yidhi. “Tuunbooyinka  Hargeysa ilaa Geed’deeble wuu dhammaaday wax badan oo hadhsan ma jiro, mashruuca magaalada gudaheeda 70% ayaa dhammaaday.

Qofkii shaqayn waayana waa laga saara shaqada, imika mashruucan gudaha magaalada labadii nin ee madaxda ka ahaa labadaba, wax kalena umaanan eryin ee warbixintii waa la eegay, shaqadiina waa lagu qanci waayay waad mahadsan tihiin uunbaan nidhi.

Gudaha magaalada Hargeysa laba boqol oo km ayaanu dhignay beebka biyaha”

 

 

Halkan ka Daawo

Leave a Reply