Booliska oo ka Digay Dacaayado Laga Faafiyey Nabad-gelyada Dalka

0
412

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warar been abuur iyo meel ka dhac ku ah amniga dalka oo ay maalmihii la soo dhaafay ku baahinayeen baraha bulshada dad aan xilkas ahayn iyo kuwo ka shidaal qaata maamulka Soomaaliya.

Dacaayadaha laga fidinayo nabadgelyada Qaranka waxa kamida inay cabsi amni-darro la soo gudboonaatay Somaliland, hase yeeshee Ciidanka Booliska oo daba socda arrintaasi, ayaa warsaxaafaddeed ka soo baxay maalintii shalay waxa lagu beyaamiyey in aanay jirin wax dooc iyo dareen dheeraad ah oo la soo gudboonaaday nabadgelyada Waddanka.

Warsaxaafaddeedkan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Ciidanka Booliska, ayaa looga digay bulshada in aanay dheg jalaq u siin dacaayadaha cadowgu fidinayo iyo inay hay’addaha amaanku si fiirro iyo foojignaan leh heegan ugu yihiin shaqadooda.

Warsaxaafaddeedka ayaa lagu yidhi “mudooyinkii u dambeeyay waxa baraha Bulshada (Social Media) ku faafayay warar been abuur ah kaasoo wax lagaga sheegaayay Xaalad amaan daro oo ku soo fool leh Somaliland.

Haddaba Guud ahaan Xaalada nabad-gelyo ee Somaliland waa Nabad waana ILAAHAY MAHADII ka sokow waxa gacanta ku haya Ciidanamada kala duwan ee Somalilnad siiba Ciidanka Booliska, Oo sidii awalba ay heegaka buuxa ugu jiraan Imikana ugu jira.

Waxaanan uga digaynaa cid kasta oo Social media ku fidinasa oo buunbuunisa wararka Cadowga in ay ka waantoobaan”ayaa lagu yidhi.

Warku wuxuu intaas ku daray “Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa in aan Dheg jalaq loo siin Dadka ku fooggan beenaha aan salk iyo raadka lahayn ee la isla dhex qaadaayo” ayaa lagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay

Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka Booliska.

 

 

 

 

 

Leave a Reply