Dalwadda Hoose oo bilowday Dhismaha jid mihiim u ah Isu’socodka Gaadiidka iyo Dadka

0
262

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa bilowday dhismaha jid mihiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka ee xaafadaha Sheekh Nuur iyo Idaacada, kaas oo hormara Masaajidka Kuweydiga, isla markaana muddooyinkii danbe burbursana.

Jidkan ayaa maristiisa gaadiidka iyo dadkuba dhibaato ku qabeen, iyada oo bulshada uu marinka u yahay jidkani ay si weyn u soo dhaweeyeen dhismihiisa.

Haddba guddoomiyaha dawladda hoose degmada Gacan’libaax Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud, oo goob joog ahaa dib u dhiska jidkani ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay dhammeystirkiisa isaga xil saari doonaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxa aanu dayactir ka bilownay jidka hormara masaajidka Kuweydiga ee xaafada Sheekh Nuur gasha.

Waa jid dhibaato badan ku hayay bulshaweynta xaafadani degan, waxa aanu rajjeynayna in dhismaha wadadan sida ugu dhakhsaha badan aanu u bilowno haddii ILLAAHEY yidhaahdo,”

Qaar ka mida bulshaweynta ayaa soo dhaweeyay dib u dhiska jidkani, isla markaana ka sheekeeyay caqabadaha ay ku qabeen waxaanay yidhaaheen.“Dawladda hoose waad arkaysan way shaqaynaysaa, dhismaha jidkan bilogiisu waa manta, sidaasi ayaanay u soconaysaa.

Dawladdii hoose ayaa manta noo timid, waanu soo dhawaynayna, waanu gacan qabanaynaa.

ILLAAHEY-ba mahad iska leh, dawladdii hoose ayaa saaka soo gashay, ILLAAHEY mahadi haka gaadhe way noo wanaajiyeen, iyagana caafimaad iyo cimri dherer ayaanu ugu ducaynaynaa, aad iyo aad ayay noogu wanaajiyeen, dhagaxii yaalay ayay ka gureen, meeshi kasta ee nalaga moosayba waa ay naga banneeyeen.

Jidkan hadda dawladda hoose gacanta ku hayso aad iyo aad ayaa loogu baahnaa, waa jid mihiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka ee xaafadaha Sheekh Nuur iyo Idaacada,”

Maaha jidkii koobaad ee sidan oo kale dib u dhis loogu sameeyay muddadii 9-ka bilood ahayd ee ay joogtay dawladda hoose ee degmada Hargeysa, balse waxa jira jidad kala duwan oo dib u habayn iyo dayactirba lagu sameeyay, isla markaana dhammaaday, wax weyna ka taray isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Leave a Reply