Qadarka Cidi ma Baajin karto, Balse Dedaal ayaa loo baahan yahay

0
470

W/Q. Xuseen Cali Nuur

Hargeysa (Dawan) Waxa loo baahan yahay in la aamino in wax kasta oo dhacayaa ay ku dhacayaan qadarka Eebe.balse waxa loo baahan yahay in la sameeyo dedaal iyadoo la talo saaranayo ILAAHA weyn ee ina abuuray.

La soo noqoshada madax-bannaanida kadib, dalku wuxuu soo maray abaaro soo noqnoqonaya oo waxyeelada ay geystaan heerarkoodu kala duwan yahay.

Abaarta sannadkan ku habsatay dalka waxay saamaysay dhammaan deegaannada gobolka Geeska Afrika. Waxyeeladeeduna way ka weynayd abaarihii hore.

Gurmadka abaartani sidoo kale aad ayuu uga duwanaa abaarihii ka horreeyey. Iyadoo sannadkan shacbi iyo Xukuumad, iyagoo middaysan ay isku tashadeen, Hay’adaha caalamiga ahna wax kaalmo ah ka sugin.

Taariikhda ayaa xusi doonta sida keydka qaran iyo kharashka gurmad ee ay u qoondaysay Xukuumaddu oo aan hore loo arag. Maalqabeennada, ganacsatada waaweyn, ururrada iyo Hay’adaha samo-falka ee dalka oo ay soo raacaan dugsiyadu, kaalinta ay  qaateen biyo dhaamiska iyo baad qeybtinta.

Jiilasha dambe tallaabooyinka gurmad ee sannadkan  JSL qaaday waxay noqon doontaa kuwo ay ku faani doonaan, kuna xusuusan doonaan in iskaashi middeysan oo ummaddeed ay guulahan oo kale dhalin karaan.

Dhibaato kasta oo dhacda, waxa lagu bartaa dersi. Sidaas darteed, waxaan filayaa in keydka qaran la kordhin doono mustaqbalka. Iskaashiga iyo hadafka ummad middaysani ay leedahayna la sii xoojin doono.

Guulahan waxa lagu xaqiijiyey ku dhaqanka, dhaqankeenna suuban ee soojireenka ah, ee na baraya in loo baahan yahay duruuf kasta oo nololeed oo ummad soo marta lagaga gudbi karo axsaan la isku sameeyo  gurmad hadaf middaysan leh.

Waa ilaahay mahadii haddii ay nimcadiisu noo bilaabantay oo roobkii curtay. Hase ahaatee baahidii dadka deegaannada abaartu ku dhacday joogaa weli way haysaa. Waxana loo baahan yahay.

In xiligan gurmadka halkiisii laga sii wado. Muwaadin kasta meel kasta oo uu joogo inuu samofalkan wax ku darsado.

In maalqabeennada, ganacsatada iyo shirkaduhu ay kaalin weyn ka qaataan sidii dalka loogala soo bixi lahaa baahiyaha aasaasiga ah.

In Xukuumaddu barnaamijkeeda ku wajahan biyo soo saarka in la xoojiyo, si loo yareeyo biyo yaraanta dalka xilliyada jiilaalka.

Waxaan leeyahay “Qadarku wuu dhacaa oo cidina ma baajin karto, balse waxa loo baahan yahay dedaal iyo ILAAHAY oo la talo saarto.”

Leave a Reply