Qorshaha United ee Suuqa Xagaaga, Afarta Boos ee ay Soo Xoojinayso & Booska Muhiimka ah ee ay Iska Indho Tirayso

0
222

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dooratay afarta boos ee ay doonayso inay iska soo xoojiso suuqa xagaaga ee sanadkan walow ay ka reebeen boosaska daafaca oo ah halka ay eedaymaha badan kula kulmayeen xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa rajo weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedkan 2021-22 iyaga oo safkooda kusoo kordhiyay Jadon Sancho, Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo.

Laakiin haatan Red Devils ayaa ka hadhay dhammaan koobabkii ay ku jireen halka ay qarka u saaran yihiin inay afarta kaalmood ee sarre Premier League kaga dhammaysan waayaan xilli ciyaareedkan.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, maamulka United ayaa doonaya inay daafacooda haatan ku ciyaaraan xilli ciyaareedka dambena balse lasoo saxeexdaan laba khad dhexe, garab midig iyo weeraryahan dhexe

Boos kale oo ay dhaliilaha kula kulmaysay kooxdaasi ayaa ah khadka dhexe iyadoo taageerayaashu ay badi eedaynayeen Scott McTominay iyo Fred oo joogto ka ah halkaas.

The Athletic ayaa sheegay in United ay doonayso burburiye khad dhexe iyo khad dhexe oo weerarka raacsanba sababtoo ah inuu baxayo Paul Pogba oo heshiiskiisu dhacayaa.

Dhinaca kale iyadoo uu Edinson Cavani baxayo sidoo kalena aan la hubin mustaqbalka Cristiano Ronaldo isla markaana uu waayaha ciyaareed ee Mason Greenwood mugdi galay ayay asaasi noqon doontaa in Manchester ay suuqa u gasho saxeexa weeraryahan dhexe.

Intaas waxa dheer in xataa Marcus Rashford bixitaan lala xidhiidhinayo sidoo kale Anthony Martial oo haatanba amaah ugu maqan Sevilla.

Man United ayaa xiisaynaysa Harry Kane oo ay xagaagii hore Manchester City si weyn iskugu day-day saxeexiisa iyo Darwin Nunez oo Benfica laga heli karo.

Ugu dambayn, booska garabka midig oo ahaa midkii ay Jadon Sancho ula soo wareegtay United xagaagii hore ayaa haddana durba baahi cusubi ka taagan tahay sababtoo ah in Sancho loo wareejiyay booska bidixda ee uu Rashford badi ka ciyaari jiray.

Leave a Reply