Wasiirka hawlaha guud oo furay dhisme cusub oo loo dhisay Xafiiska wasaaradda ee Gobolka Saaxil

0
977

“muwaadiniinta ku ganacsada ama degen guryaha dawladda waxa sanadkan lagu soo rogay inay cashuur iska bixiyaan”Wasiirka hawlaha guud
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa furay Xafiiska wasaaraddaasi ee Magaalada Berbera maanta oo Arbaca ah, waxaana ku wehelinayey badhasaabka gobolka Saaxil iyo Isuduwaha wasaaradda ee gobolkaasi.
Xafiiskan oo ah mid aad loo qalabeeyey, looguna talogalay inay wasaaraddu kaga shaqayso hawlaha ay ka fulinayso gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera oo dhawaan ay ka bilaabayso qorsheynta magaaladaasi, ayaa waxa ugu horayn xaflada lagu furay hadal ka jeediyey Isuduwaha Wasaaraddaasi Mursal Cabdilaahi oo faahfaahin ka bixiyey dhismaha xaruntan iyo baahiyaha ay u qabeen.
Isuduwaha ayaa tilmaamay inay wasaaraddu shaqo baaxad leh ka hayso gobolka, xafiiskanina uu fududeyn doono culayska hawlaha u yaalla”xafiiskani waa mid qalabkiisu u dhamaystiran yahay, dhawaanna waxa ka hawlgeli doona shaqaale badan oo Injineero u badan oo hawlo muhiima qaban doona”ayuu yidhi.
Badhasaabka gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa soo dhaweeyey dhismaha xafiiskan weyn loo dhisay wasaaradda hawlaha guud, waxaanu xusay inay ka maamul gobol ahaan aad ula dhacsan yihiin dardarta cusub ee shaqada wasaaradda, kalana shaqayn doonaan mashruuca qorsheynta magaalada Berbera.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xafiiskan loogu talogalay in looga faa’idaysto hawlaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu u xilsaaran tahay, dhismihiisuna ku yimi baahi lagama maarmaan ka dhigtay in la dhiso, maadaama ay markii hore hay’addo kale oo dawladdeed la wadaagi jirtay wasaaraddu dhismaha.
Wasiir Abokor waxa kale oo shaaciyey in magaalada Berbera laga bibaabi doono diwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee qaraanka “waa siyaasadda Wasaaradda in shaqada la daadejiyo, qof kasta oo shaqo qabanayaana in uu helo meel uu ku shaqeeyo, markaa dhismahan oo ay hadda wasaaraddu si rasmi ah ula wareegtay waan soo dhaweynayaa. waxa kale oo hawlaha bilaabmaya kamida qorshihii magaalooyinka waaweyn waa la ansixiyey, waxa la diwaangelinayaa guud ahaan hantida ma guurtada ah ee gobolka Saaxil, waxaana dhawaan iman doona kooxo hawshaas fulinaya oo diwaangelin ku samayn doona nooc kasta oo hanti ah oo qaranku leeyahay si xisaab xidhka loogu darro”
Wasiirku waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in muwaadiniinta degen ama ku ganacsada “muwaadiniinta Somaliland ee ku ganacsada ama degen guryaha dawladda waxa sanadkan lagu soo rogay inay cashuur iska bixiyaan. sidaad ogtihiin in badanbaad munaafacaadsanayseen, muwaaadin kasta oo reer Somaliland ahina wax buu ku leeyahay guryahaasi, markaa si ku munaafacaadsiga hantidaasi idiinku noqoto xalaal, waxaan idiin soo jeedinayaa in aad iska bixisaan cashuurtaasi.
Fee-ga la qaadayo waxaanu ka dhignay qiimihii ugu hooseeyey oo ah Konton kun ilaa lix Boqol, iyadoo loo eegayo noocyada guryaha, waxay u badan yihiin wax ka yar toban dollar, waxaana ugu badan lixdan doolar qof walba wuu bixin karaa, sidaas awgeed waxaan idinku adkaynayaa intaan laamaha amaanka ee cashuurta qaabilsani guryaha idiinku imaan in aad si sharaf leh isaga soo bixisaan”ayuu yidhi wasiirku.

Leave a Reply