25-ka Difaac ee ugu Wanaagsanaa ee Taariikhda Kubadda Cagta Soo Maray

0
335

Halyeyga AC Milan ee Paolo Maldini ayaa loo magacaabay difaacii ugu wanaagsanaa ee soo mara taariikhda kubadda cagta, waxaanu hoggaaminayaa liis ka  kooban 25 difaacyahan oo qaarkood ay wali kusii jiraan garoomada.

Maldini oo cimrigiisii ciyaarood oo dhan ku qaatay AC Milan, waligii uma ciyaarin naadi kale, waxaana muddo 25 sannadood ah oo uu xidhnaa garanka Milan uu kula guuleystay toddoba horyaal oo Serie A iyo shan Champions League.

Sannadkii 2002 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii lasoo gabogabeeyey Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Korea iyo Japan, waxaana uu sidaa ku seegay koobkii 2006 ee uu waddankiisu ku guuleystay, kaas oo uu jeclaan lahaa in uu jeclaan lahaa in uu ka mid noqdo koobabka ku jira liiskiisa.

Afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta ayaa codadka ugu badan la siiyey Maldini, hase yeeshee Nemanja Matic oo Manchester United u ciyaari jiray ayaa si lama filaan ah kusoo galay kaalinta labaad, halka kabtankii Barcelona ee Carles Puyol uu isaguna soo galay kaalinta saddexaad.

John Terry oo Chelsea kula guuleystay koobab badan iyo qaysarkii Jarmalka ee Franz Beckenbauer ayaa dhamaystiray shanta sare, halka Sergio Ramos uu soo cidhiidhsaday kaalinta shanaad.

Ramos oo muddo 16 sannadood ah u ciyaaray Real Madrid ayaa kula guuleystay 22 koob oo ay ku jiraan afar Champions League, hase yeeshee xagaagii hore ayuu si xor ah ugu wareegay PSG, hase yeeshee dhaawacyo ayaa ragaadiyey, waxaanu kaliya u saftay shan kulan.

Ruug-caddaagii xulka qaranka England ee Bobby Moore ayaa ku jira kaalinta toddobaad, waxaanu ka horreeyaa Roberto Carlos, Philippe Lahm iyo Gerard Pique oo buuxiyey tobanka sare.

Halkan kaga bogo 25-ka difaac ee ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta ee ay taageereyaashu u codeeyeen

  1. Lilian Thurman
  2. Ashley Cole
  3. Djalma Santos
  4. Denis Irwin
  5. Dani Alves
  6. Cafu
  7. Gary Neville
  8. Vincent Kompany
  9. Jaap Stam
  10. Rafael Marquez
  11. Fabio Cannavaro
  12. Alessandro Nesta
  13. Thiago Silva
  14. Franco Baresi
  15. Rio Ferdinand
  16. Gerard Pique
  17. Philipp Lahm
  18. Roberto Carlos
  19. Bobby Moore
  20. Sergio Ramos
  21. Franz Beckenbauer
  22. John Terry
  23. Carles Puyol
  24. Nemanja Vidic
  25. Paolo Maldini

Leave a Reply