Premier League oo Isbeddel ku Samaynaya Sharciga Cayimaya Tirada Ciyaartoyda Kooxuhu Beddeli Karayaan

0
260

Maamulka horyaalka Premier League ayaa beddelaya sharcigii tirada ciyaartoyda ay kooxubu beddeli karayaan inta ay ciyaartu socoto, kaas oo ogolaanayay in kooxdu ay saddex ciyaartoy beddeli karto, balse isbeddel lagu sameeyey waqtigii uu Fayraska Korona ku habsaday dunida ama xilli ciyaareedkii 2019-20.

Sharci-yaqaannada Ururka dejiya shuruucda ciyaaraha ee IFAB ayaa xaqiijiyey, in laga bilaabo bisha June ee sannadkan aynu ku jirno, in la qaadan doono shan beddel oo kooxaha horyaallada iyo tartamada kala duwan ba ay samayn karaan, hase yeeshee horyaalladu ay si iskood ah go’aan uga gaadhi doonaan inay u hoggaaminsamaan iyo in kale.

Madaxa horyaalka Premier League ayaa la sheegay inuu aqbalay, waxaana uu hordhigayaa 20ka kooxood ee Premier League ka kooban yahay oo u codayn doona, warbaahintuna waxay sheegayaan in inta badan naadiyadu ay isku waafaqsan yihiin in shanta beddel ay soo dhoweeyaan.

Shir ay shalay oo Arbaco ah ay yeesheen kooxaha horyaalka Premier League ayay ku meel-mariyeen, kuna aqbaleen qorshahan oo ay markii hore si aad ah u diiddanaayeen kooxaha yaryar oo dareensanaa in lixda naadi ee waaweyn ee Premier League ay faa’iido dheeraad ah ka heli doonaan beddelka badan.

14 ka mid ah 20ka kooxood ee horyaalka Premier League uu ka kooban yahay ayaa loo baahnaa si ay u meel-mariyaan sharcigan isbeddelka ku samaynaya tirada beddelka, hase yeeshee maamulka Premier League ayaa marka horeba kalsooni badan kusii qabay in aanu mucaaradad badan la kulmi doonin.

Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa si aad ah dabada uga riixayay qorshahan, waxaanay ku doodayeen inay faa’iido ugu jirto ciyaartoyda iyo kooxaha intaba, isla markaana lagaga badbaadayo daalkii badnaa ee ku dhici jiray ciyaartoyda iyo sidoo kale in tababareyaashu helaan fursad ay ku beddelaan kala-badh ciyaartoyda ay kusoo bilaabeen kulamada.

Leave a Reply