Dawladda hoose ee Hargeysa oo Dumisay dhismayaal iyo Dayrar waddada soo galay…

0
304

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa maanta dumisay dhismayaal iyo dayrar soo galay jidka isku xidha saldhiga dhexe iyo biriishka labaad ee magaalada Hargeysa.

Hawlgalkan oo uu hoggaaminayay duqa degmada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkani ay tahay in jidkaasi laga nadiifiyo wixii caqabad ku noqon karra habsami u socodka wadadaasi oo hadda maraysa meel gabo gabo ah.

Maayir Cabdikariim ayaa bulshaweynta ku nool magaalada Hargeysa, u soo jeediyay inay dawladda hoose gacan ka siiyaan hawlaha la xidhiidha horumarinta caasimada ee ay gacanta ku hayaan, isaga oo intaas raaciyay in hawlgalkii jidkani lagu bannaynayay aanay wax dhibaato ahi ka dhicin, balse iyada oo la iskaashanayo si wada jir ah hawsha banneynta iyo duminta dayrarka wadadaasi soo galay.

Dhanka kale waxa si habsami ah uga qabsoomay guud ahaan caasimada iyo degmooyinka kala duwan, ololihi dawladda hoose fulin jirtay bilkasta khamiista u danbaysa, waxaana la nadiifiyay gooba kala duwan oo qashin yaalay iyada oo meelaha qaarna la furay waddooyin xidhnaa.

Ololahan nadaafadeed ayaa waxa qayb ka ahaa madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee degmooyinka caasimada Hargeysa oo kaashaya bulshada ku nool degmooyinkaasi.

Leave a Reply