Ku Simaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagax dhigay dhismaha Maktabada Garsoorka

0
302

Hargeysa (Dawan) Ku simaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cumar Geele, oo ay wehelinayeen guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Guuleed, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne), Axmed Haybe Col-u-joog oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Inj Caydaruus Maxamed oo ka socday Hay’adda UNDP iyo Inj Nuur Jaamac Caraale oo ah maamulaha shirkada “Future” oo iyadu ku guulaysatay hirgalinta dhismaha Maktabada Garsoorka ayaa maanta si wada jir ah u dhagax-dhigay dhismaha Maktabada Garsoorka oo laga hirgalinayo gudaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay oo faah-faahin ka bixiyay dhismaha Maktabada Garsoorka Axmed Haybe Col-u-joog oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaanu tibaaxay in mashruucan ay ka baaraan-dageen oo ay sugeen qaabka uu noqonayo, si bulshadu u intifaacsato. Geesta kale maamulaha shirkada Future Inj Nuur Jaamac Caraale ayaa balan-qaaday in ay shirkadoodu dhismahan sida ugu tayada saraysa u fulin doonto, waxaanu xusay in dhisme tayo leh oo raacaya nidaamka loo jideeyay ay binayn doonaan. Waxa sidoo kale ka hadlay madasha Inj Caydaruus Maxamed oo ka socday Hay’adda UNDP oo mashruuca ay soo dhex mariyeen midowga Yurub iyo dawladda Sweden oo maal-galiyay waxaanu sheegay in qandaraaskan si cadaalad ah loo maamulay, waxaanu shirkada qandaraaska ku guulaysatay kula dardaarmay in wakhtiga mudaysan ee loo asteeyay in lagu hirgaliyo dhismaha ay ku dedaalaan maadaama Ramadaana ku jirto saddexda bilood ee loo jaan-gooyay.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Guuleed ayaa geestiisa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in ay ka soo qayb galaan dhagax-dhiga dhismaha Maktabada Garsoorka (Judiciary Library), waxaanu sheegay in mashaariicda qandaraaskani kamidka yahay si hufan loogu tartamay oo shuruucda ay ku hagaan loo raacay.

Ku simaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cumar Geele oo soo xidhay munaasibada dhagax dhiga Maktabada Garsoorka ayaa u balan-qaaday shirkada dhisaysa in habeen iyo maalinba diyaar loola yahay in ay hawshooda dhisida wadan karaan, waxaanu kula dardaarmay in ay u dhisaan si lexe-jeclo leh oo ay xil badan iska saaraan, halka guddida qandaraasyada iyo wasaaradda hawlaha guudna uu u soo jeediyay in ay u kor-meeraan si lexe-jeclo leh. Ugu danbayn waxa uu xusay in goobtani tahay goob muhiim ah oo dadka iyo dalkaba u soo korodhay.

Leave a Reply