Guddidii Golaha Guurtida ee Nabadeynta Beelihii ku Diriray Ceeryaan iyo Shidan oo War-cusub soo saaray

0
314

Hargeysa (Dawan) Guddi golaha guurtida Somaliland hore ugu xil saareen ka qayb qaadashada hawlo nabadeyn ah oo ka socday degaannada Shidan iyo Ceeryaan oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa ka warbixiyay gulihii laga gaadhay.

Guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Axmed Daahir  Jirde, ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay ku soo dhammaadeen hawlihii nabadeynta, waxaanu sheegay in ardaayadii ay dhexdhexaadinayeen muujiyeen dadaal, isla markaana ay kaalin ka qaateen sidii sidii loo helilahaa heshiis lagu midaysan yahay.

Xildhibaan Jirde waxa uu intaas ku daray in madal ay ku sugan yihiin ardaayadii shaqaaqadu dhexmartay ergada nabadeynta iyo maamulka gobolka Sanaag, in lagu shaaciyay in arrintaasi dhammaatay, isla markaana lagu kala saxeexday heshiisyadii la gaadhay, taasi oo uu ku sifeeyay mid siweyn uga qayb qaadan doonta horumarka iyo wada noolaanshiyaha bulshada walaalaha ah ee wada degan degaanadaasi.

Xildhibaan Jirde waxa uu yidhi.“Marka koobaad ILLAAHEY ayaa mahad oo dhan iska leh, waxa kale oo aan u mahad naqayna madaxweynaha Somaliland, sidii kartida, hufnaanta, iyo nabadeynta, waxa kale oo aanu si weyn ugu mahad celinayna shir’guddoonka golaha guurtida Somaliland, waxa kale oo aan u mahad naqayna guddoomiyaha gobolka Sanaag, oo ah nin dhallinyaro oo aad iyo aad u firfircoon, waxa kale oo aan u mahad naqayna dadweynaha reer Ceerigaabo, ee sida weyn uga qayb qaatay nabadeyntii degaanka Shidan iyo Ceeryaan,   ha yaraado ha weynaado, suldaan ha ahaado, boqor ha ahaado, haween ha ahaado, caaqil ha ahaado, waan u mahad naqaynaa.

Dardaarana waxa aanu leenahay sidaad nabada u qaadateen inta hadhayna u sii dhammeystira

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan guddidaasi ayaa u mahad celiyay waxgaradka, maamulka gobolka Sanaag iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka qayb qaateen sidii nabad looga dhalinlahaa ardayaadi walaalaha ah.

Guddidan uu magacaabay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, ayaa muddo 6 bilood ah u geed fadhiyay sidii ay gacmaha isugu saarilahaayeen dadkaasi walaalaha ah ee halkaasi ku diriray, sidii ay ugudan lahayeen waajibaadka dastuurku siiyay ee ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqanka.

 

Leave a Reply