Shirqooladii Caanka Ahaa Iyo Dagaalkii Qaboobaa

0
310

Weriyihii Georgi Ivanov Markov waxa uu dhashay  1 Maarso 1929, waxaana uu ahaa qoraa iyo suxufi caan ah oo curin jiray sheekooyinka kana soo jeeda dalka Bulgariya. Sanadkii 1968 ayuu Idaacadda BBC weriya ka noqday.

Suxufigan aya aad uga soo horjedaay shuuciyadda iyo nidaamkii dalkiisa. Waxa kale oo wakhtigaasi wariye uu u aha Idacaaddii  Yurubta xorta ah oo Maraykanku maalgein jiray  iyo Idaacaddii Jarmalka Gableed ee Radio Dotshabelle.

Weriyahan oo aad ay raadinayeen sirdoonka Bulgariya iyo KGB ayaa marar badan ka nabad galay laakiin sanadkii 1978 bishii September 11 ayay KGB shirqoolka dilkiisa u adeegsatay dalaayad sun ahayd qof aga marayay ku muday. Dalayaadda waxay jidhkiisa u gudbisay sun, iyadoo muddo yar ka dibna dhiigiisu uu isu rogay xinjir oo dhintay. Baadhista ayaa cadaysy in dhiigiisa sun laga helay.

Dadka ka nabad galay shirqooladii dagaalka qaboobay waxa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Cuba Mr.Fidel Castro kaasi oo in ka badan 50 jeer CIA Maraykanka isku deyday inay khaarijso laakiin dhamaantood ka nabad galay. Kuwa ugu yaabka badanaa waxa ka mid ah markii bakteeriya loogu abuuray dharka uu xidho iyo mar Sigaar loo keenay sun lagu sameeyay. Dhaman iskud eydaasi way fashilmeen

Waanadii Fashilka Ku Danbsa

Leave a Reply