Ukraine ma aamini doonaan warka Ruushku ku dhawaaqay

0
366

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu si weyn u dhimi doono howlgallada milatari ee ka socda laba aag oo aad muhiim u ah kana tirsan dhulka Ukraine si kor loogu qaado kalnsoonida wadahadallada u dhaxeeya labada dhinac ee ujeedkoodu yahay in wax uun xal ah looga gaadho colaadda Ukraine.

Go’aankaan hoos loogu dhigayo howlgallada milatri ee magalooyinka Kyiv, iyo magaalada waooyiga ku taalla ee Chernihiv ayaa ah astaantii ugu horeysay oo muujinayso horumarka la taaban karo ee la gaadhay . Balse ma cadda inta uu leeg yahay dhimista dhaq-dhaqaaqa miltari. Ukraine shaki weyn ayaa kaga jira sida wax noqonayaan.

Ruushka ayaa durbaba tallaabooyinkiisa diiradda ku saaraya goballada bariga. Ciidamada Ruushka dib u dhacyo isdaba joog ah kala kulmay dhanka waqooyi-galbeed ee caasimadda, Kyiv, wuxuuna sidoo kale doonayaa inuu qabsado marin dhuleedka halkaa ku yaalla kaas oo ku fidsan xeebta koonfureed ilaa xadka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegaya in aanu arkin sabab weyn oo ku aamino hadallada qaar ka mid ah wakiillada wadahadallada ee Ruushka. “Waxaan dhihi karnaa calaamadahaas waa kuwo togan,balse calaamadahaasi ma baddalayaan qaraxyada iyo madaafiicda Ruushka” ayuu ku yidhi madaxweynaha Ukaraine muqaal uu baahiyay.

Saraakiil Maraykankan ah ayaa dhankooda sheegay inay arkaan calamada muujinaya in Ruushku uu ka fogaanayo magaalada Kyiv, balse ay wali garaacayaan oo ay duqeyn ku wadaan magaalooyinka dalkaas. Laakin Maraykanku wuxuu intaa ku darayaa in warka ka soo yeeeray Ruushka ay yartahay kalsoonida ay ku qabi karaan.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka Alexander Fomin, oo ku sugan Istanbul, ayaa u sheegay TV-ga Ruushka in maadaama Ukarine qaadatay door dhexdhexaadnimo ah marka ay timaaddo qaabka loo wajahayo xaaladda ay wasaaraddiisuna qaadanayso go’aan ah in si weyn loo dhimo howlgallada labada dhinac si loo abuuro ” shuruudaha lagama maarmaanka u ah wada xaajoodyada dheeraadka ah ee ku saleysan wax laga wada hadlayo.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta wadahadallada u qaabilsan Ukraine oo lagu magacaabo Oleksandr Chaly ayaa isna wariyayaasha u sheegay in doorka ay qaateen uu yahay mid dib loogu soo celinayo sharaftii dhuleed ee Ukraine iyadoo loo marayo hab diblumaasiyadeed.Wuxuu intaa raaciyay in mar walba Ukraine ujeedkeedu yahay in ay ahaato dowlad dhexdhexaad ah.

Ciidamada Ruushka ayaa isku gadaamay Chernihiv, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen in ilaa 400 oo qof lagu dilay halka 130,000 oo qof oo halkaa deggannaa aaney haysan, koronto iyo biyo toona.

Hadalkan Ruushka ka soo yeedhay ayaa xilligaan muujinayo tallaabo diblumaasiyadeed oo muhiim ah tan iyo markii duulaanku bilaabmay. Ku dhawaaqista Ruushka ee ah in uu “si weyn u dhimi doono” howlgallada dagaalka ee ka socda Kyiv iyo Chernihiv ayaa muujinaysa in ay jirto mudnaan dhanka dardargelinta wadahadallada hadda socda. Si dhow ayaa isha loogu hayn doonaa si loo arko waxa ka hirgala hadallada soo yeeraya.Waxayna wafdiga Ukraine si cad u qeexeen sida ay u rabaan dammaanad qaadka amniga ee reer galbeedka si ay ugu dhawaaqaan xaalad dhexdhexaad ah. Dagaalku wuu sii socdaa, waxaana jirta kalsooni aad u yar oo u dhaxaysa waddammada, laakiin tani waxay u muuqataa inay tahay xilligii ugu muhiimsanaa ee horumarka laga gaaray wadahadalladan.

Leave a Reply