Xuska maalinta wacyigelinta Miinada Adduunka oo maanta dunida laga xusayo.

0
552

Hargeysa (Dawan) Dadka reer guuraga iyo dadka degan meelaha inta badan ka dheceen dagaallada sokeeye ayaa dhibaato kala kulma hadhaadiga waxyaabaha qarxa taasoo horseeda in dad badan ay ku naafooban.

Afarta bisha Abril sannad kasta waxaa dunida laga xusa maalinta wacyigelinta miinada iyadoo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta ku saabsan miinooyinka iyo horumarka laga gaadhay cidhibtirkeeda.

Maalintan ayaa waxaa sannadkii 2005-tii meel mariyay golaha guud ee qaramada midoobay si bulshada loogu baraarujiyo khatarta ay leedahay miinada.

Leave a Reply