10 Arrimohood Ugu Diyaargarow Si Aad Uga Faa’iidaysato Bisha Ramadaan

0
528

Waxaynu ognahay in adduunyada arrimeheeda ku tallo gal loo yeesho, qofka hadii fursadi soo marto uu u diyaargaroobo sidii uu uga faa’iidaysan lahaa. Sidoo kale marka ay jiraan bandhigyada ama Carwooyinka wax laga iibsado ama laga faa’iido qofku wuu u diyaargaroobaa. Sidaa awgeed walaalayaal Ramadaan waa Fursad sanadkii hal mar soo marta qofkii Ilaahay gaadhsiiyo, waa in aynu u diyaargarownaa. 10 arrimohood ayaa loo baahan yahay in lagu qaabilo.

  • Niyo wanaagsan in aan la nimaadno, niyada wanaagsana xitaa hadii aynaan wixii samayn Ilaahay wuu ugu naxariistaa. Ilaahay wuu ku garab gelayaa hadii aad si niyo ah ula timaado in aad gudanayso bisha Ramadaan wixii Ilaahay ku faray.
  • In aan Ilaahay sii barano, waynu naqaan laakiin waa in aynu ka edebsanaynaa. Waxaynu naqaan qofku, qofka uu u shaqeeyo wuu iska dhisaa marka uu la joogo si weyn ayuu u shaqeeya, haduu ka tagna sidii wuu iska bedela, laakiin Ilaahay mar kasta waa ku arkayaa marna kaama tegayo, xitaa hadii aad adigu ka tagto. Hadii qofku garto in Ilaahay mar kasta dusha kala socdo wuu toosnaanayaa
  • In aan Nebiga ku dayano oo aan eegno wixii uu bisha Soon samayn jiray, sidii uu ummada u baraarujin jiray iyo dedaalkiisii.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aan nafteena xisaabino. Si aan guul u gaadhno Aakhiro waa in aynu isa sii xisaabinaa inta aan adduunyada joogno . Cumar Binu Khadaab waxa uu lahaa “ Xisaabiya naftiisa inta aan la idin xisaabin” . Xasan Al Basri isna waxa uu lahaa ‘’ Dadka qaarkood xisaabtu way u fududaatay sababta oo ah adduunyadii intii ay joogeen ayey isa soo xisaabiyeen, qaarna way ku adkaatay oo is may soo xisaabinin’’. Marka uu qofku naftiisa xisaabiyana saddex arrimood ayuu ka dhaxlaa; inuu ceebtiisa garto, inuu Ilaahay ka cabsado iyo inuu Jannada ku guulaysto.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Toosaanta. In aynu jidka wanaagsan ku toosnaano. Toosnaanta hadii tusaale ka soo qaadano yoolkaaga ama Shukaantaada oo aad ku hagaajiso Jidka cad ee Ilaahay ku toonaashihiisa iyo Jannada loo maro.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu qalbiga daahirino. Qalbigu wax badan buu wasakhoobay oo waxyaabo badan ayaa ku jira, waxyaabahaas ina soo gaadhay haddii aynu ka daahirino waxaynu helaynaa raaxda cibaadada iyo ka bogashadeeda. Ilaahay baa inala hadlay oo waxa uu yidhi “ Miyeydaan doonayn in aan idiin denbi dhaafo, hadaad doonaysaan in aan idiin denbi dhaafo idinku dadka iska daaya’’.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu dardaarankeena sii qoro. Ha is odhan Ramadaan ayaa soo dhow ama la gaadhay ee sii diyaarso Raashinka iyo alaabtaba, waad gaadhi oo kan ayaad samayn doontaa. Bal dib u warayso Ramadaanadii inaga horeeyey, imisa qof oo sugayey in ay Soomaan ama ciida diyaar u ahaa oo aynu aasnay. Sidaa awgeed ha ku tallo gelin, ileen waxaad ogtahay ma ahee dardaaraankaaga iska qor. Sidaas oo kale wixii adiga kaa dayacmi lahaana sii qoro.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa in aynu Ilaahay xuskiisa badino. Digriga ama xuska Alle waxa uu kordhinayaa in aad si deg-deg ah ama xawli ah ugu socoto Jidkii toosnaanta ee aan soo sheegnay. Safarka adduunyada marka la gelayo waa la tartamaa oo gaadiid wanaagsan, shidaal wanaagsan iyo sahay ayaa lagu tallo galaa si safarku kuugu hagaago. Jidka Ilaahay iyo Jannaduna si ay kuugu hirgasho waa in Digri iyo xus joogto ah oo badan la la yimaadaa, sida uu Nebigu(Cs) inoogu sheegay Xadiiskii macnihiisu ahaa “ Kuwa Digri yaqaanka ah ama Daakiriinta ahi cid kasta way ka dheereeyaan”.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Alle ka cabsi. Waxaynu kordhinaynaa Alle ka cabisigeena, Alle ka cabsigu wax weyn weeye, Quraankuna wax badan ayuu inagala dardaarmay. 258 Ayadood ama Eray ayaa ku soo Arooraya Alle ka cabsiga, waxa layna tusayaa qiimaha uu leeyahay Alle ka cabsigu iyo inuu yahay Sahayda ugu weyn ee adduunka lagala tago.
  • Waxaynu ku diyaargaroobaynaa Towbad. In aynu Towbad la nimaadno. Towaduna waa in aad garowshiinyo bixiso oo aad ogaato in aad tahay Adoon yar oo dhac-dhacaya oo gefkiisu badan yahay, Ilaahayna aad u weynayn ugana xishoon ama u qadarin sidii xaqiiso ahaa. Waad in noqotaa goor kasta qof Ilaahay hoos taagan oo ka werweraya oo ceebtiisa qiranaya, sidaas ayaa laguuga denbi dhaafayaa. Towbadu waa jidka loo maro jannada, haduu qof Towbad keeni waayo, Istiqfaar la iman waayna waxa uu noqonayaa qof is mahadiyey oo naftiisa iyo shaydaanku been u sheegeen. Nebi Maxamed (CS) ayaa inoo sheegay inuu Maantii in ka badan 70 jeer Ilaahay denbi dhaaf weydiisan jiray. Inagu halkee ayeynu joognaa? maxaa xasuunaa? Weliba marka qof uu sii weynaado waa in Istiqfaartiisu kordhaa.

Tobaankaa arrimohood hadii aynu weelayno waxa laga yaabaa in Qalbigeenu sifoobo oo aynu Ramadaanka Ajuurteeda wax ka helo.

Leave a Reply