Taalibaan oo mamnuucday Afgaanistaan beerashada daroogada

0
593

Taalibaan ayaa mamnuucday beerista maandooriyaha, oo ay ku jirto opium poppy, oo laga beero Afganistan.  Guud ahaan Afgaanistaan oo dhan ayaa laga mamnuucay, boqolkiiba 85% ayey Afghanistan soo saartaa daroogada opium-ka, marka loo eego wax soo saarka caalamiga ah.

Wareegto uu Axaddii soo saaray hoggaamiyaha sare ee kooxda Islaamiga ah ee talada haya, Haibatullah Akhundzada, ayaa sidoo kale mamnuucay soo saarka, isticmaalka, ka ganacsiga, dhoofinta iyo soo dejinta wixii Darooga ah.

“Haddii qof jebiyo wareegtada, dalagga ayaa laga baabi’in doona, kii jebiyana waxaa loola dhaqmayaa si waafaqsan shareecada,” sida lagu sheegay amarka ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Taliban shir jaraa’id oo ka dhacay Kabul.

Kooxdan ayaa xukunka kala wareegtay dawladii reer galbeedku taageeri jireen mudo yar ka dib markii Maraykanka iyo ciidamadii NATO ee uu horkacayo ka bexeen Afgaanistaan ​​bishii Ogosto.

Wixii markaas ka dambeeyay Taliban waxa ay cadaadis kala kulmayeen dalalka deriska iyo kuwa gobolka si ay ula dagaalamaan wax soo saarka iyo sidoo kale ka ganacsiga daroogada.

Dalagyada opium-ka ee Afgaanistaan ​​​​ayaa kordhay  boqolkiiba 8% sanadkii 2021, marka la barbardhigo sannadkii hore, 6.800 oo tan, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC) bishii November.

Warbixintu waxa ay ka digtay in wax soo saarkaasi uu horseedi karo in suuqyada caalamka ay buux dhaafiyaan ku dhowaad ​​320 tan oo Heroin saafiya ah oo laga tahriibiyo dalka.

UNODC waxay ku qiyaastay warbixinteeda in dakhliga ka soo gala Afgaanistaan ​​​​opiates uu gaadhay $1.8- ilaa $2.7 bilyan sanadka 2021 gudaha Afgaanistaan, laakiin faa’iido aad u weyn ayaa laga helaa silsiladaha gudbinta daroogada sharci darrada ah.

Qalalaasaha bini’aadantinimo ee Afgaanistaan ​​iyo dhaqaala xumada ayaa ka sii daray tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada reer galbeedka 20 sano kadib.

Sanado dagaal, abaaro joogto ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo lagu soo rogay Talibanka ka dib bixitaanka ciidamada shisheeye ayaa lagu eedeeyaa korodhka baahiyaha bini’aadantinimo ee aan horay loo arag ee dalka Koonfur Aasiya.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xaaladaha dhaqaale xumo ay keentay in beeralay badan oo Afgaanistaan ​​ah ay beryahan dambe joojiyaan beerashada dalagyada sharciga ah sida sarreenka, taa beddelkeedana ay beertaan dalagyada poppy-ga ee opium-ka ee xaaraanta ah sababta oo ah waxay keentaa soo-celin degdeg ah oo sarreeya.

Taalibaan ayaa sidoo kale mamnuucday beerista daroogada xilligii hore ee ay Afgaanistaan xukumayeen sanadihii ​​1996 ilaa 2001 waxayna tilaabadan si weyn hoos ugu dhigtay dalaggii, sida ay sheegtay UNODC qiyaasta wakhtigaas.

Leave a Reply