Ka Faa’iidayso Wakhtiga Wanaagsan!

0
427

William Post waxa uu degenaa gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka markii uu ku guulaystay bakhtiyaa nasiib dhan 16.2 Million doller sanadkii 1988. Maalinta uu ku guulaystay lacagta xadigaasi gaadhaysa waxa ku jiray accountkiisa gaarka ah ee baanka lacag dhan $ 2 keliya, waxaanan uu ahaa nin sabool ah. Shaqooyin kala duwan ayuu ka shaqayn jiray sida Dabaakh ( Cunto kariye), darwal iyo rinjiile ka hor intii aanu ku guulaysan lacagtan xad dhaafka ah.  Baahida ayaa u geysay inuu xataa sameeyo jeeg macmal ah oo tuugo ah markii la ogaadayna waxa la xidhay 28 maalmood.

Hooyadii waxay dhimatay isagoo 8 sano jiray waxaana aabihii geeyay xarunta caruurta agoonta ah lagu xanaaneeyo “Orphanage”. Walaalkii ayaa isku deyay inuu dilo William markii lacagtan ku guulaystay, si uu lacagtaasi xad dhaafka u dhaxlo laakiin taasi wuu ka nabad galay waxa kale oo iyana dacawad ku soo oogtay gabadhiisa hore oo ay kala tegeen oo iyana damac ka galay inay lacagtaasi la qaybsato.

Lacagtaasi ayuu ku iibsaday Doonyo iyo guryo, laakiin haddana habeen kasta wuxu dayuurad u raaci jiray gobolada fogfog isagoo doonaya inuu ka soo casheeyo. Ugu danbaystii sanadkii 2006 ayay lacagtiisa gebi ahaanba dhamaatay oo dayna lagu yeeshay. Bishii January 15, isla sanadkaasi 2006 ayuu wadnuhu istaagay naxdin darteed markii u xusuustay maalmihii wacnaa ee uu lumiyay iyo daynta laga rabay waxaana uu ku dhintay da’da 66 jir.

 

Leave a Reply