Gudida Suuqa Waaheen oo ka Hadlay Meelaha laga Diwaangelin Doono Dadka Hantidoodu Gubatay

0
441

Hargeysa (Dawan)Gudida Suuqa Waaheen
ayaa sheegay in shan qaybood ay u qaybiyeen in laga Diwaangeliyo dadka hantidoodu ku burburtay  dabkii qabsaday Suuqaas.

Gudida Suuqa Waaheen oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay meelaha ay kala tagi doonaan dadka hantidoodu ku burburtay Suuqa Waaheen,isla,markaana ay u qaybiyeen shanqaybood.

Gudida Suuqa Waaheen  waxay tilmaamaeen in Bacadlayaasha loo asteeyay in laga diwaangalinyo  Iid Hoteel halka Bacadlayaasha  bacadyaalka laga diwaangalin doono  Masjid Jaamaca Xero hadhuudha,

Sidoo kale Bacadlayaasha Sitisantarka
ayaa laga diwaangalin doono Masjid Jaamaca Weyn, sidoo kale  Bakhaarlayda ayaa laga diwaangalin doono Masaajidka Nakhiil Khudradlayda ayaa laga diwaangalin doono Fooqa Jajabka,

Dhinaca kale gudida Suuqa Waaheen
ayaa ka digay in laba jeer la is diwaangaliyo,

 

 

Leave a Reply