Mbappe oo Gaadhay Go’aankii Mustaqbalkiisa & Kooxda Guuleysatay PSG iyo Real Madrid

0
373

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa dhaw xilli sanadihii ugu dambeeyay oo dhan warar kala duwan la isla dhex marayay.

Mbappe ayaysan marnaba wax qarsoon ahayn inuu doonayo inuu ku biiro kooxdiisa riyada ee Real Madrid iyadoo Los Blancos ay dalabaad midka ugu sarreeya 180 Milyan oo euro gaadhsiisnaa kasoo gudbisay xagaagii 2021.

Kaddib markii ay Paris ka dhaaratay inay aqbasho dalabaadkaas ayay Madrid go’aan ku gaadhay inay iska sugto inta uu heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kylian ayaa la filayay inuu ku biiro doono Real Madrid marka uu qandaraaskiisa Paris dhaco bisha June balse arrimaha ayaa haatan u muuqda kuwo sidaas ka geddisan.

Wargeyska Cope ayaa sheegaya in Mbappe uu shaacin doono mustaqbalkiisa iyo waxa ku saabsan marka uu dhammaado xilli ciyaareedkani bisha May.

Sida uu sheegayo saxafiga caanka ah ee Daniele Riolo, go’aanka 23 sano jirkaas ayaa noqon doona inuu heshiis kordhin u samaynayo oo uu sii joogi doono Paris Saint-Germain.

Waxa la fahamsan yahay in qoyska Mbappe ay ku kala qaybsan yihiin mustaqbalka xiddigooda, aabihii ayaa doorbidaya in wiilkiisu sii joogo PSG halka ay hooyadii ku riixayso u dhaqaaqista Real Madrid.

Mbappe ayaa mudada uu soo joogay PSG kusoo dhaliyay 160 gool halka uu 81 kale caawiye kasoo noqday kaddib 209 kulan halka uu xulka France 26 gool kusoo diiwaan-gashaday 54 ciyaarood.

Leave a Reply