Ganacsatada Somaliland oo lacag malaayiin dollar ah ugu deeqay suuqa Waaheen

0
678

Hargeysa (Dawan) Ganacsatada waa weyn ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhiska suuqa Waaheen kaga qayb qaadanayaan lacag dhan 8 milyan oo dollar.

Xaflad casho sharaf ah oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ganacsatada ugu sameeyay qasriga madaxtooyada, ayay ganacsatadii kasoo qayb gashay kaga, dhawaaqeen lacagtan oo ah wajigii kowaad ee lacagaha ay ganacsatada Somaliland isku bar bar taagayaan dadkii ganacsiyadu kaga burbureen suuqa Waaheen.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa masiibada suuq Waaheen bar bar dhigay dagaalkii Somaliland burburiyay dhamaadkii sideetamaadkii, “Waxay lamid ahayd 1988 markii qaruxu waddankeena ka dhacay, dalkeenu uu gubanayay ee aynu lugta kaga baxnay, qof walina uu orod kaga baxay wixii uu lahaa”.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, oo ah madaxa guddida taakulaynta Suuqa Waaheen, ayaa sheegay in ilaa hadda ay soo gaadhay, laba milyan shan boqol iyo sodon kun oo dollar ($2,530,000), oo ay xukuumadda Somaliland bixisay, hal milyan ($1,000,000), oo Jabuuti bixisay, hal milyan ($ 1000,000), oo dowlada Soomaaliya bixisay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay soo gaadhay kow iyo toban milyan iyo todoba boqol oo dollar (11, 700,000), oo Baanka Adduunku hore Somaliland ugu deeqay, balse aan soo dhaafin qasnada dowlada Soomaaliya arrimo siyaasadeed awgeed, wuxuuna intaa ku daray in xukuumaddu dhawaan ku wareejin doonto lacago kale oo dheeraad ah, iyo Jabuuti oo sidoo kale bixin doonta raashin u dhigma  lix boqol oo kun oo dollar ($600,000).

Albaani ayaa balan qaaday in lacagaha si daah furan loo maamuli doono “Waxaanu caddaynaynaa in lacagta loo ururrinayo suuqa Waaheen aanu hal dollar anaga nagu baydhin,  qarashka aanu isticmaalaynana aanu jeebkayaga ka isticmaalo, wixii umada naloogu dhiibayna aanu si amaano leh u gudan doono”.

Madaxweyne Biixi, ayaa ganacsada ku amaanay taageeradooda “waxan u mahadnaqayaa ganacsatada Somaliland inta caawa halkan timid iyo inta liis kooda la keenay, iyo inta maqan ee haaban doonta aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa waxay kasoo baxeen waajib koodii, Islaanimo, walaalnimo, iyo waajib koodii waddaninimo”.

Hantida ku burburta suuqan ayaa lagu qiyaasay 2 bilyan oo dollar kadib, dabkii ka kacay 1 bishan April, Waaheen ayaa kamid ahaa suuqyada ugu waa wayn geeska iyo bariga Afrika, wuxuuna u adeegi jiray dhamaan bulshooyinka ku dhaqan gobolka.

Leave a Reply