Hay’adda Relief Humanity International oo Raashin  Gaadhsiisay Qaar Kamid Ah Dadkii ku Tabaaloobay Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

0
469

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Relief Humanity International oo fadhigeedu yahay dalka Kanada, kana shaqaysa arrimaha Samafalka,taakulaynta iyo bani’aadanimada ayaa raashin dhamaystiran gaadhsiisay qaar kamid ah dadkii waxyeeladu kazoo gaadhey dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Waxa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey deeqdan raashinka ah ee ay Hay’adda Relief Humanity International u qaybisay dadkan Xuseen Ibraahim Cabdi oo ka socday Hay’adda Relief,waxaanu tilmaamay in raashinkan loogu talo galay dadkii ay waxyeeladu kazoo gaadhey dabkaas,isaga oo intaas ku daray in raashinkan loo qaybin doono 100 qoys oo dadkii ugu jilicsanaa dadkii dhibku soo gaadhey kamid ah.

Ibraahim Xuseen Cabdi waxa uu tilmaamay in ay hore usoo qaybiyeen raashinkan mid lamid ah,iyaga oo ka qaybiyey xaafaddaha Siinaay,Jigjiga yar  iyo qaybo ay dadka guryahooda ugu geeyeen.

Ibraahim Xuseen Cabdi waxa uu u mahadceliyey cid kasta oo gacan ka geysatay soo bixinta raashinkan.

Waxa isna halkaas ka hadlay Cali Cabdi Biixi oo kamid ah guddida suuqa Waaheen,waxaanu u mahadceliyey Hay’adda Relief Humanity International oo uu uga mahadceliyey deeqdan raashinka ah ee ay u qaybiyeen dadkan ay waxyeeladu kazoo gaadhey dabkii ka kacay suuqa waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Dhankooda waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaar kamid ah dadkii raashinka loo qaybiyey oo si weyn ugu mahadceliyey hay’adda Relief Humanity International iyo cid kasta oo kaalin ka geysatay deeqdan in la soo gaadhsiiyo.

Leave a Reply