Inter Milan oo Dejisay Qorshe ay Romelu Lukaku kaga Badbaadinayso Kaydka Chelsea

0
376

Romelu Lukaku ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto Inter Milan ka dib xilli ciyaareedkii niyad jabka ahaa ee uu ku qaatay kooxda chelsea sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport.

Maamulka Inter Milan ayaan meesha ka saarin in ay xiddiga reer Belguim dib ugu soo celiyaan Kooxda laakiin heshiiska ayaa ah mid ku adag kooxda reer Italy marka la eego qiimaha xiddiga.

Laakiin Kooxda Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqdo xiddiga ka hor inta ayna qaab toos ah ugula wareegin xiddiga 28 jirka ah.

Lukaku ayaa Chelsea ugu soo laabtay 97.5 milyan laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Xiddiga ayaan haatan ahayn xiddiga 1-aad ee hogaamiya weerarka chelsea isaga oo aan qaab joogto ah ugu ciyaarin kooxda bilihii ugu dambeeyay isaga oo ka dambeeya xiddiga Kia Haverts.

 

Leave a Reply