Dybala oo Go`aansaday inuu u Dhaqaaqo Horyaalka Ingiriiska

0
514

Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay u dhaqaaqista Premier League xagaagan, iyadoo lala xiriirinayo Arsenal.

Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay u dhaqaaqista Premier League xagaagan, iyadoo lala xiriirinayo Arsenal.

28-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ka tago Juventus marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu haatan xor u yahay inuu heshiis hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah.

Arsenal ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixa Dybala, iyadoo hal warbixin ay sheegeyso in labada tababare ee Mikel Arteta iyo agaasimaha farsamada Edu ay si weyn u doonayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, iyadoo la sii marinayo Daily Mirror, Dybala wuxuu aad u doonayaa inuu soo afjaro 10-sano oo uu ku sugnaa Talyaaniga oo uu isku tijaabiyo horyaal cusub, isagoo u wareegaya Premier League .

Arsenal ayaa isha ku haysa xoojinta weerarka, ka dib bixitaankii Pierre Emerick Aubameyang ee bishii Janaayo ee Barcelona, ​​halka mustaqbalka Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah uu yahay mid aan la hubin, maadaama labada weeraryahan uu qandaraaskiisu dhacayo bisha June.

Dybala, 113 gool ayuu dhaliyay ka dib 284 kulan ee uu u saftay Juventus dhamaan tartamada , waxaana kooxaha kale isha ku haya ku jira Tottenham , Chelsea , Liverpool , City iyo United.

Leave a Reply