Aroosad sun ay u qooshtay ninkeeda ku dishay 15 qof oo reer xididkeeda ah:

0
365

Karachi (Dawan) Booliiska Pakistan ayaa xidhay haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray xaflada arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisa ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeyb galay oo u badnaa qaraabada ninka.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weyday.

Sideed qof oo kale ayaa cisbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baadhitaan lagu sameeyo.

BBC SOMALI

Leave a Reply