Barcelona oo Saddex Ciyaartoy ku Beddelanaysa Difaaca Arsenal Ee Gabriel

0
389

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay bartilmaameed ka dhiganayso difaaca reer Brazil ee u ciyaara Arsenal ee Gabriel Magalhaes, waxaanay Gunners u bandhigaysaa qorshe ay suurtogal tahay in Mikel Arteta uu aqbalo oo ay ciyaartooyo isku weydaarsanayaan.

Kooxda reer Catalonia ayaa u bandhigaysa Arsenal inay la wareegaan saddexda ciyaaartoy ee Memphis Depay, Neto iyo Riqui Puig, si iyaguna ula wareegaan Gabriel Magalhaes, iyadoo meesha laga saarayo in wax lacag ah ay dhiinacyadu kala qaataan.

Tababaraha cusub ee Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa si aad ah ula dhacsan waxqabadka Gabriel, sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, waxaana uu qorshihiisu yahay inuu safkiisa kusoo daro ciyaartoy difaac ah oo lugta bidix  ku ciyaara, si xilli ciyaareekda dambe ay ugu tartami karaan dhamaan tartamada.

Maadaama Gerard Pique ay da’diisu tahay 35 jir oo aan aad loogu xisaabtami karayn sida xaaladdiisu noqonayo, Barcelona ayaa sii diyaarsanaysa beddelkiisa, waxaanay Gabriel oo 24 jir ah u aragtaa in uu yahay ciyaartoy sannado badan xidhnaan kara garanka kooxdan. Waxa kale oo ay Blaugrana doonaysaa difaaca Chelsea ee Andreas Christensen oo ay si bilaash ah kagala soo wareegayaan Blues.

Gabriel oo ay Arsenal sannadkii 2020 kaga soo iibsatay Lille lacag gaadhaysa £27 milyan oo Gini ayaa waxay Barcelona u sheegtay Gunners inay isku darsato Memphis Depay oo ay ku xalliyaan dhibaatada afkooda hore ee weerarka, Riquee Puig oo khadka dhexe ah kana soo baxay kulliyadda da’yarta ee La Masia oo boos ka waayay kooxda tababare Xavi iyo goolhaye Neto..

Leave a Reply