Fernandinho oo ku Dhawaaqay Go’aan ka Nixiyey Kooxda Manchester City

0
309

Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Fernandinho  ayaa ayaa shaaciyey in uu iskaga tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli ciyaareedkan. 37 jirka reer Brazil ayaa dib ugu laaban doona waddankiisa Brazil oo uu kasii wadi doono ciyaarista kubadda cagta oo uu doonayo inuu kusii jiro, isla  markaana uu ku biiro koox uu boos joogto ah ka helayo.

Fernandinho ayaa soo afjaraya sagaal sannadood oo xasuuso badan leh oo uu ka ciyaaray Etihad Stadium oo intii uu joogay uu ku guuleystay afar horyaal oo Premier League ah, lix League Cup iyo FA Cup, isaga oo ka mid ahaa xiddigihii ciyaaray finalkii xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu Fernandinho  ka mid ahaa laacibiintii ugu waqtiga dheeraa ee ajaanibka ah ee soo maray Manchester City, isla  markaana kabtanka soo noqday, waxaana uu meesha ka saaray suurtogalnimada in uu sii joogi doono kooxdan oo uu hal sano oo kale ugu kordhin doono qandaraaskiisa.

Ka hor ciyaarta Atletico Madrid ayaa uu waraysi bixiyey Fernandinho, waxaanu ku shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa, isaga oo yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan ciyaaro. Waxa aan dib ugu laaban doonaa Brazil. Go’aankan waxa aanu wada qaadanay qoyskayga, taas ayaana ah waxa muhiimka ii ah aniga, waana isla sidii xilli ciyaareedkii hore. In badan ma ciyaarayo halkan, laakiin waa in aan daryeelo ciyaartoyda kale oo aan isku dayo in aan ka caawiyo wixii karaankayga ah, gudaha ama bannaanka garoonka.”

Fernandinho ayaa uu go’aankiisu yahay, in xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey uu ku qaadanayo Etihad Stadium, waxaanu rajaynayaa in kooxdiisu ay sagootin uga dhigto Champions League oo ay isku diyaarinayaan lugta labaad ee wareegga siddeeda oo ay habeen dambe la ciyaari doonaan Atletico Madrid oo lugtii hore ay kaga soo adkaadeen 1-0.

Waxay u badan tahay in Fernandinho  uu kusoo bilowdo khadka dhexe oo uu beddelo Rodri oo laba ciyaarood oo adag dheelay lix maalmood gudahood kulamadii Atletico Madrid iyo Liverpool.

Fernandinho ayaa u ciyaaray Man City in ka badan 370 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu go’aankiisu yahay in aanu sannad tobnaad ku qaadanin Man City.

Leave a Reply