Berbera (Dawan) Isu’duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee gobolka Saaxil, ayaa socdaal isugu jira wacyigelin iyo hawlgal lagula dagaalamayo nabaad’guurinta dhirta iyo gubista dhuxusha ka bilaabay qaar ka mida degmooyinka iyo degaanada hoos yimaada gobolka Saaxil.
Waxa uu qaybaha kala duwan ee bulshada degaanadaasi kala hadlay sidii loo suulinlahaa gubista dhuxusha oo meelo badan uu indhihiisa ku soo arkay isaga iyo maamulka degaanadaasi, dhibaatada balaadhan ee loo gaystay dhirtii iyo degaankiiba, kuna tilmaamay masiibo Qaran, oo ubaahan in si deg deg ah wax looga qabto.
Isu’duwaha ayaa ku hawlan wax ka qabashada degaanka, gaar ahaan joojinta dhuxusha, isaga oo ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa la dagaalanka dhuxusha iyo nabadguurinta dhirta.
Degaanada Bula’xaar iyo meelaha kale ee loogu sheegay inay ka jirto gubista dhuxushu uu burburiyay godadkii lagu shidi jiray dhuxusha, isla markaana digniin u diray dadka ku hawlan jarista dhirta.
Hawlgalkan ayaa qaatay muddo laba cisho, ah kaas oo keenay in meesha lagaga saaro godad badan oo dhuxusha lagu shidi jiray iyo raggi nabadguurka degaanka kaalinta koobaad ka ahaa.
Maxaa sabab u ah Dabar’goynta dhirta
Haddaba arrintan waxa sabbab u ah hooseynta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan muhiimadda degaanka, dhir’jarista, nabaad’guurka carrada, iyo isbeddelka cimilada iyo abaaraha.
Dhirtu sannadba sannadka ka danbeeyay si weyn ayay u dabar go’aysa, mar kasta geed ayaa la jara, kuwo tiro yar ayaa la beera, isla markaana dhulka oo oomane ah ayaa sannadkasta hektaro kala duwan laga dhigan kuwo aanay waxba ka bixin.
Qaybihii kala duwan ee dhirta berriga ka baxasay ayaa noqday kuwo looga faa’ideysto ka ganacsiga dhuxusha.
Gubista dhuxushu waxa ay soo dedejisa lama degaanimo, waxa ay hoos u dhigta baaxada dhulka loo adeegsan karro beeraha iyo daaqa, taas oo marka danbe sababta in dadku ka hayaamaan, marka uu dhulku noqdo mid aan degaanka ku wanaagsaneyn.
Bulsho weynta oo kaliya wacyigoodu ma hooseeyo’e waxa xataa uu hooseeya kuwa gaadha go’aamada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Sidaasi darteed waxa si weyn loogu baahan yahay in wax laga qabto arrintan, iyada oo la yareynayo ku tiirsanaanta dhuxusha oo ah waxa ugu weyn ee sababa dhir’jarista.
Waxa kale oo arrintan wax lagaga qaban karaa iyada oo la badiyo noocyada tamarta iyo in la isticmaalo ilo kale oo tamar laga heli karro.
Gaaska dareeraha laga dhigey ee wax lagu karsado, ayaa si tartiib’tartiib ah hadda loo baranaya, inkasta oo qoysaska badidooda uu qaali ku yahay girgirayaasha dhuxusha madhxiya.