Gabiley oo Hargeysa kala qayb-qaadanaysa nadiifinta suuqa Waaheen.

0
526

Hargeysa (Dawan) Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa golaha degaanka degmada Gabilay ka guddoomay gaadiid kala duwan oo ay ugu talo galeen in ay kaga qayb qaataan nadiifinta suuqa Waaheen.

Guddoomiye Khadar ayaa sheegay in ay wali socoto nadiifinta laga waday suuqa Waaheen, isla markaana ay kaalmo iyo gargaarba ka heleen 23-ka degmo doorasho ee dalka.

Waxa uu xusay in gaadiidka ay ku wareejiyeen golaha degaanka ee degmada Gabiley,  ay dhan yihiin toban baabuur iyo laba cagaf, kuwaas oo uu ku sifeeyay in ay yihiin deeq weyn iyo wax aan la xusi Karin.

Qaar ka mida mudanayaasha golaha degaanka ee degmada Gabiley ayaa golaha degaanka ee Hargeysa ku wargaliyay in ay markasta hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Waxa gurmad na soo gaadhay 23-ka degmo doorasho ee dalka, waxa hadda garabkayga taagan masuuliyiinta golaha degaanka ee degmada Gabilay, toban baabuur iyo laba cagaf ayay nagu wareejiyeen, waa deeq weyn oo aan halkan lagaga warami karin.

Mar waxaad bixiseen qaadhaan lacageed oo milyan iyo shanboqol gaadhaya, oo aanay ugu horraynin uguna danbaynin, arrintuna waa ay soconaysa oo sidii hore ee aynu isu garab taagnayn ayaynu isu garab taagnaanaynaa.”Ayuu yidhi Khadar Axmed Cumar, guddoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee degmada Hargeysa.

Gabilay oo kali ahi Hargeysa kalama qayb qaadanayso nadiifinta suuqa Waaheen, balse guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka waxa ka yimid kaalmooyin iyo gaadiid hor leh oo loogu talo galay nadiifinta suuqa Waaheen ee dabku hala keeyay.

Bulshaweynta Somaliland’na waxa ay la gaar tahay in ay isu kaalmaystaan, sidii ay wax u wada qabsan lahayeen, mood iyo noolbana isugu huri lahaayeen.

Gabilay oo Hargeysa kala qayb-qaadanaysa nadiifinta suuqa Waaheen., kuna wareejisay 10 baabuur iyo laba cagaf

Leave a Reply