Hargeysa (Dawan) Nin cilmi-baadhe ah oo u dhashay dalka Colombia ayaa geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi ku jira beerta xayawaanaadka ee dalka Ugandha.
Sebastián Ramírez Amaya, oo ka tirsan jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa cilmi-baadhis joogto ah ka waday kaynta beerta waxaana la joogay xilliga ay wax dhaceen koox isaga ka caawinaysay hawsha badhista.
Weerarkaan uu Maroodigu ka gaystay beerta xayawaanaadka ee Kibale ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 50 sano laga joogo oo halkaa ka dhaca .