Luka Modric oo Kashifay Wixii ka Caawiyay Kooxdiisa inay Reebaan Chelsea

0
449

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa tilmaamay wixii uu tababare Ancelotti saxay ee gabi ahaan badalay kulankii ay champions League ka reebeen kooxda chelsea.

Real Madrid ayaa ku dhibaatootay ciyaarta iyaga oo laga dhaliyay 3 gool xilli ay 15 daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka ciyaarta isla markaas ay hal lug kala bexeen tartanka champions League.

Laakiin Anceotti ayaa sameeyay laba badal oo si weyn u badalay ciyaarta isla markaas dhabarka ka jabiyay kooxda chelsea iyo Thomas Tuchel kuwaas oo ku lug lahaa goolashii ay Real Madrid dhalisay.

Ancelotti ayaa ciyaarta soo galiyay xiddigaha da’yarka ah ee Rodrygo kaas oo dhaliyay goolka ka hor inta uuna xiddiga Eduardo Camavinga ku guulaysan kubadii uu Benzema ka dhaliyay goolka 2-aad.

“Guuldaro dhadhankeedu aad u macaan yahay ayay ahayd”Modric ayaa sidaas yidhi ciyaarta kadib.

“Marna kamaanu quusan ciyaarta, waxa aan qaadanay habeen kale oo taariikhi ah, Ancelotti ayaa sameeyay badalo fiican oo gabi ahaan ciyaarta badalay”ayuu Luka Sii raaciyay.

“Marna ma qeexi karo kulanka, waxa aanu ahayn kuwo ka sii hadhaya tartanka laakiin badalka Ancelotti aya dib u nooleeyay rajadeena”Ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply