Bayern Munich oo ka Fal-celisay Wararka Robert Lewandowski la Xidhiidhinaya Barcelona

0
414

Madaxa Bayern Munich Oliver Kahn ayaa ku adkeystay in Robert Lewandowski uu “hubaal” sii joogi doono Bayern Munich hal xilli ciyaareed oo kale.

Heshiiska xiddiga reer Poland ee Bayern Munich ayaa dhici doona sanadka dambe axana lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona.

Lewandowski ayaa la sheegayaa in uu kooxdiisa ku qasbi doono in uu xagaaga ku biiro Barcelona hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda laakiin Kahn ayaa meesha ka saaray in uu xiddiga 33 jirka ah ka tagi doono kooxda xagaaga.

Weeraryahanka dhaliyay 47 gool 41 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiis la gaadhay kooxda Barcelona

“Hubaal, Robert waxa uu sii joogi doonaa hal xilli ciyaareed oo kale”ayuu Kahn yidhi.

“Waan ognahay waxa aan haysano waanan ka daganahay xaalada, sida iska cad waxa jira warar ku saabsan mustaqbalkiisa laakiin waxa uu nala sii joogi doonaa xilli ciyaareed kale”.

Leave a Reply