Labada Kooxood ee Doonaya ee ku Tartamaya Saxeexa Erling Haaland

0
252

Manchester City ayaa samaynaysa wax walba oo ay ku heli karto saxeexa Erling Haaland xagaaga, sida uu qabo Fabrizio Romano.

Real Madrid ayaa sidoo kale ku jirta tartanka loogu jiro xiddiga reer Norway, kaasoo la filayo inuu ka tago Dortmund kuna biiro koox cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Norway ayaa heshiiskiisa Kooxda Dortmund lagu bur-burin karaa lacag dhan 63 milyan oo euro marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayaa kooxo dhawr ah.

Sida ay haatan wax yihiin Haaland ayaan wali go’aansan kooxda uu ku biiri doono xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Saxafiga reer Italy ayaa sheegay in ay kooxaha Real Madrid iyo Man City yihiin kaliya labada kooxood ee doonaya saxiixa xiddiga Haaland marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan

Leave a Reply